Koobka Aduunka 2018: Natiijooyinka kulamadii Isniinta

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MOSCOW - Tartanka Koobka Aduunka 2018 oo sanadkaan marti-gelinayo wadanka Ruushka ayaa waxaa Isniinta laga dheelay illaa iyo Saddex kulan oo ka kala tirsanaa Group-yadda "F iyo G".

- Kulanka koowaad -

Ciyaarta koowaad waxaa wada dheelay Sweden iyo Kuuriyadda Koonfureed, waxaana guusha ay ku raacday 1-0 qaranka Sweden kadib markii uu goolka guusha udhaliyay ciyaaryahan Andreas Granqvist.

Guushaan waxay ka dhigeysaa Sweden inay yihiin hogaamiyaasha Group-ka F, inkasta oo ay dhibcaha la wadaagaan Mexico.

- Kulanka labaad -

Belgium-ka ayaa waxay u awood sheegteen dhigooda Panama kadib markii ay kusoo xaaqeen goolal dhan 3-0. Lukaku oo labo gool dhaliyay, iyo waliba ciyaaryahan Dries Mertens ayay uga mahad-naqayaan.

Natiijadaan waxay siineysaa Belgium inay hogaanka u qabtaan Group-ka G, oo uu kulankaan ka tirsanaa.

- Kulanka saddexaad -

Xulka qaranka kubada cagta England ayaa guul soo daahday waxay ka heleen Tunisia, kadib markii Harry Kane uu dhaliyay gool xili dambe yimid, inkastoo goolka furitaanka uu isaga dhaliyay qudhiisa.

Tunisia waxay goolka qura oo ay dhaliyeen waxay ka heleen ciyaaryahan Ferjani Sassi, kaasoo ahaa Gool ku laad.

Maalinta Talaadda ah, waxaa dhici doona illaa iyo saddex kulan oo kuwa kale, kuwaasoo ka kala tirsan Group-yadda "H iyo A".

Hoos ka arag kulamada dhici doona Talaadada:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo kordhiyey joogitaankiisa ciidan ee Bariga Dhexe, iyadoo cadaadis lagu saarayo Iran

Warqad ay Iran u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayay ku sheegtay inaysan…

  • Caalamka

    20-02-2026

  • 11:40AM

Trump oo Shirkii ugu horreeyay ee “Board of Peace” ku qabtay Washington 

Trump ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha guddiga ay ballanqaadeen $7 bilyan oo loogu talagalay dib-u-dhiska Gaza.

  • Caalamka

    19-02-2026

  • 08:30PM