Kooxda Taliban 141 qof oo arday u badnaa ku dishey dalka Pakistan

Image

December 16, 2014 (GO)- Taliban-ka  Pakistan ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerar dad boqol ka badan lagu diley oo gelinkii hore ee maanta ka dhacay gobolka Peshawar ee dalka Pakistan.

Weerarka oo lala beegsaday dugsi carruurta ciidamada qalabka sida ee dalkaasi wax ku bartaan waxaa fuliyey lix nin oo aad u hubeysnaa qaarkoodna bambooyin isku soo xireen.

Dableyda oo halkaas muddo saacado ah afduub ugu haystey boqolaal ardey ayaa markii dambe toogasho ku diley 131 ardey, waxaa sidoo kale weerarkaas ku geeriyoodey 10 qof oo kale oo kuwii weerarka soo qaaday ku jiraan.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Pakistan ayaa saacado kadib la wareegey xarunta kadib markii la toogtey qaar kamid ah kuwii weerarka soo qaaday qaar kalena ay is qarxiyeen.

Mid kamid ah ardeyda weerarkaas ka badbaadey oo lagu magacaabo Shahrukh Khan da'diisuna 16jir tahay ayaa ka sheekeeyey sida ay wax u dheceen, wuxuuna sheegay in nimanku ardayda ku amreen inay dhulka seexdaan kadibna dhabarka ka toogeen.

Khan oo isaga labada lugood xabad looga dhuftay wuxuu sheegay inuu indhaha isku qabtay iskana dhigay qof meyd ah kadib markii uu arkay nin dul taagan oo hubinaya inuu meyd yahay iyo in kale.

" nin kabo buud ah oo waaweyn xiran ayaa fiir fiirinayey carruurta isagoo xabbad ku dhufanayey kii dhaq dhaqaaqa, indhaha ayaan isku qabtay anigoo sugaya inuu xabad igu dhufto" ayuu yiri.

Taliban ayaa sheegtay in weerarkani aargoosi u ahaa hawlgal dhowaan ciiamada Pakistan ka sameeyeen waqooyiga gobolka Waziristan, hawlgalkaasoo lagu diley xubno ka tirsanaa Taliban iyo qoysaskooda.

Weerarkan ayaa imaanaya maalin kadib markii nin asalkiisu Irani ahaa uu dad ku afduubtay maqaayad ku taalla bartamaha magaalada Sydney ee dalka Australia.

Weerarkaas oo gelinkii dambe ee shalay soo gaba gaboobay wuxuu sababay geerida saddex qof oo kii dadka afduubtey kamid ahaa.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Trump oo Netanyahu uga digay joogitaanka ciidamada Israel ee Suuriya iyo Lubnaan

Warbixinta ayaa sheegtay in intii lagu jiray wada hadal telefoon oo dhex maray labada hoggaamiye Khamiistii la soo dhaafay.

  • Caalamka

    14-07-2026

  • 06:52PM

Mareykanka oo Duqeeyey 140 Bartilmaameed oo ku Yaalla Iran

Dhanka kale, Iiraan ayaa la sheegay inay jawaab ahaan weerarro ku qaaday Baxrayn, Qatar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

  • Caalamka

    13-07-2026

  • 09:44AM