Kulankii Trump iyo Kim oo dhammaaday heshiis la'aan

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in kulan madaxeedkii uu la lahaa hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi uu maanta soo dhammaaday, ayada oo aan wax heshiis ah ah lagu gaarin.

Trump ayaa sheegay in lagu kala qeybsamay qaadista cunaqabateynta Mareykanka uu saaray Korea-da Waqooyi.

“Waxay rabeen in cunaqabateynta gebi ahaanteedba la qaado, taasina ma sameyn karin annaga” ayuu Trump u sheegay weriyayaasha kadib dhammaadkii shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Hanoi ee caasimadda dalka Vietnam oo wada-hadallada ay ka dhaceen.

“Diyaar ayey u ahaayeen inay baabi’iyaan qeyb badan oo ka mid ah hubkooda Nukliyeerka, hase yeeshee dhammaan cunaqabateynta ma wadi qaadi karno” ayuu yiri.

Kulamadii maanta la qorsheeyey ayaa dhammaaday ka hor waqtigooda, ayada oo Trump iyo Kim ay ka baaqdeen qado iyo xafladda saxiixa heshiiska ee la qorsheeyey.

Trump ayaa sheegay in wada-hadallada ay ahaayeen kuwa miro-dhal leh, uuna rumeysan yahay in mar ay ahaataba heshiis la gaari doono, hase yeeshee weli lama qorsheyn kulan saddexaad.

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM