Kulankii Trump iyo Kim oo dhammaaday heshiis la'aan

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in kulan madaxeedkii uu la lahaa hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi uu maanta soo dhammaaday, ayada oo aan wax heshiis ah ah lagu gaarin.

Trump ayaa sheegay in lagu kala qeybsamay qaadista cunaqabateynta Mareykanka uu saaray Korea-da Waqooyi.

“Waxay rabeen in cunaqabateynta gebi ahaanteedba la qaado, taasina ma sameyn karin annaga” ayuu Trump u sheegay weriyayaasha kadib dhammaadkii shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Hanoi ee caasimadda dalka Vietnam oo wada-hadallada ay ka dhaceen.

“Diyaar ayey u ahaayeen inay baabi’iyaan qeyb badan oo ka mid ah hubkooda Nukliyeerka, hase yeeshee dhammaan cunaqabateynta ma wadi qaadi karno” ayuu yiri.

Kulamadii maanta la qorsheeyey ayaa dhammaaday ka hor waqtigooda, ayada oo Trump iyo Kim ay ka baaqdeen qado iyo xafladda saxiixa heshiiska ee la qorsheeyey.

Trump ayaa sheegay in wada-hadallada ay ahaayeen kuwa miro-dhal leh, uuna rumeysan yahay in mar ay ahaataba heshiis la gaari doono, hase yeeshee weli lama qorsheyn kulan saddexaad.

Related Articles

Iran oo diiday xabbad-joojin ku meel gaar ah

Baqaei ayaa sheegay in Tehran ay gudbisay shuruudo ku saleysan danaha qaranka iyada oo loo marayo dhexdhexaadiyeyaal.

  • Caalamka

    06-04-2026

  • 04:33PM

Giorgia Meloni iyo Amiirka Qatar oo ka wada hadlay dhibaatada ka dhalatay xirnaanshaha Hormuz

Meloni ayaa booqashadan ku tagtay Qatar maalin Sabti ah, waana joogteeda labaad ee safar ay ku mareyso gobolka oo ka bilowday Sucuudiga.

  • Caalamka

    04-04-2026

  • 06:15PM