Kuma ayuu ahaa Charles James Kirk oo lagu toogtey dalka Mareykanka

Image

Charles James Kirk, waxaa uu ahaa nin dhalinyaro ah oo kasoo jeeday magaalada Arlington Heights ee gobolka Illinois, waxaan in muddo ah muddo ah ka muuqday saaxadda siyaasadda Mareykanka, gaar ahaan dhinaca midig ee xisbiga Jamhuuriga. Inkastoo uusan xil toos ah loo magacaabin, haddana wuxuu si toos ah ula xiriiri madaxweynaha Mareykanka  Donald Trump iyo ku xugeenkiisa JD Vence isagoo loo aqoonsaday ambassador-ka dhalinyarada ee Trump.

Kirk waxaa lagu tilmaami jiray nin si xooggan ugu ololeeya siyaasadaha adag ee xisbiga Jamhuuriga, gaar ahaan kuwa la xiriira tarxiilka dadka sharci-darrada ku jooga dalka Mareykanka. Wuxuu ku adkaysan jiray in dhallinyarada Mareykanka loo horseedo siyaasad adag oo difaacda dhaqanka iyo qiyamka xisbiga Jamhuuriga.

Sanadkii 2012 ayuu Kirk aas-aasay ururka Turning Point USA, oo uu ka dhigay madal dhalinyarada lagu gaarsiiyo fariimaha siyaasadda midigta ah.  Ururkan wuxuu caan ku noqday inuu abaabulo shirar, dooddo iyo ololayaal lagu kala saarayo ardayda jaamacadaha, isagoo marar badan ka doodaya arrimaha sida xorriyadda hadalka, hubka iyo siyaasadaha qaxootiga.

Kirk inta badan wuxuu booqan jiray jaamacadaha Mareykanka, halkaas oo uu ardayda kala dooddi jiray arrimaha siyaasadda. Hab-dhaqankiisa wuxuu ahaa mid kulul oo dhalinyarada ka dhex abuuray dood iyo xiiso, hase yeeshee sidoo kale abuurey dhaliilo badan oo ka imaanaya bulshooyinka kale.

Noloshiisa siyaasadeed waxay ahayd mid muran badan dhalisay, balse taageerayaashiisu waxay ku tilmaami jireen inuu ahaa qof geesinimo u leh difaaca waxa ay ugu yeeraan qiyamka qoyska iyo dhaqanka Mareykanka. Dhaliilayaashuna waxay ku eedayn jireen inuu kiciyo kala qaybsanaan iyo naceyb ku wajahan dadka aan taageersanayn fikirkiisa.

Charles Kirk kulan uu ku qabanayey 10 Sebteembar jaamacadda Utah Valley University, ayaa lagu toogtay, rasaas qoorta kaga dhacdayna waxay sababtay inuu si degdeg ah u geeriyoodo. Maydkiisa weli wuxuu ku jiraa baaritaan, iyadoo ninkii falkan geystay aan weli la soo qaban.

Geerida Kirk waxay gilgishay taageerayaashiisa iyo siyaasadda midig ee Mareykanka, iyada oo qaar badan ay ku tilmaameen weerar ka dhan ah xorriyadda hadalka iyo siyaasadda dhalinyarada.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Norway: Hashim Abdi oo noqday Xildhibaanka ugu da’yar oo Soomaali ah

"Waa arrin aad u waalli ah. Waa sheekada Norway – in wiil ka yimid Trara uu gaaro qolka awoodda."

  • Caalamka

    10-09-2025

  • 07:14AM

Waa Kuma Khalil al-Hayya: Hoggaamiyaha Xamaas ee Israel rabtay inay ku disho Weerarkii Qatar?

al-Hayya wuxuu awooday in uu si xor ah ugu safro dalalka deriska ah, taasoo u sahashay in uu ka madax bannaano xayiraadda ay Israa’iil saartay Gaza.

  • Caalamka

    10-09-2025

  • 06:27AM