Laba qodob oo Soomaaliya ay muhiim ugu tahay Turkiga

Image
Madaxwayne Erdogan ayaa soo bandhigay qodobadan xilli dalka uu yeeshay dowlad cusub.

ANKARA, Turkey – Dowladda Turkiga oo saaxiib dhow la ah Soomaaliya ayaa qoraal ka soo saartay doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo ku soo baxay codayn ka dhacday Hangarka Afisyooni Axadii.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Soomaaliya, ay u tahay labo tusaale oo waaweyn, kuwaas oo ka kala ah:-

 1 – Muhiimadda ay Turkiga u leedahay horumarinta dhaqaalaha qaaradda Afrika

 2 – Iyo ilaalinta nabadda bulshada iyo xasilloonida siyaasadeed.

“Waxaan rajeynayaa in natiijada doorashada Soomaaliya ay noqoto mid faa’iido u leh dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Dowladda Turkiga waxa ay si weyn uga qayb qaadatay in ay Soomaaliya kasoo kabato markii ay burburka qarka u saarneyd sanadkii 2011-ka,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay madaxtooyada Turkiga.

Madaxweynaha Turkiga oo u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed u rajeeyey in doorashadaan ay ku dareemaan xasilooni iyo amni si looga gudbo caqabadaha mudo dheer.

“Waxaan ku faraxsannahay sida wanaagsan ee ay ugu soo dhamaatay doorashadii madaxtinimo ee ka dhacday Soomaaliya 15-kii May 2022. Waxaan u rajaynaynaa in doorashadu ay u noqoto walaalaheena Soomaaliyeed iyo shacabka bariga Afrika oo wadajira, waxaana u hambalyaynaynaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,” ayuu yiri Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Turkigu waa saaxiibka uguwayn ee dowladda Faderaalka ka taageera dhismaha ciidanka qaranka waxa uu dhisay labo unug oo caan ka ah Soomaaliya Haramcad iyo Gorgor inkastoo ay wajaheen eedo la xiriira in madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday uu adeegsaday dano siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha EUCOM: Mareykanku ma hayo awood ku filan oo uu ku sii difaaco Israa'iil

Hawlgallada ku dhowaad maalinlaha ah ayaa la sheegay inay si weyn u daaliyeen maraakiibta burburiyeyaasha ee ciidamada badda Mareykanka.

  • Caalamka

    01-08-2026

  • 12:21PM

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo raalli-gelin ka bixisay khariidad khaldan oo Afrika ah

Khariidadda ayaa lagu soo bandhigay shirkii AIDS 2026, waxaana lagu muujiyay lix waddan…

  • Caalamka

    31-07-2026

  • 08:27AM