Labo dhaqtar oo cudurka Ebola ugu geeriyoodey dalka Sierra Leone

Image

December 6, 2014 (GO)- Xilli todobaadyadii u dambeeyey aad hoos ugu dhacday tirada dadka cudurka Ebola ugu geeriyoonaya galbeedka Afrika ayaa shalay oo Jimce ahayd waxaa dalka Sierra Leone ku  dhintey labo kamid ah dhaqaatiirta ku hawlan daweynta bukaanada uu cudurkaasi haleelay.

Dowladda Sierra Leone ayaa xaqiijisey geerida labada dhaqtar haseyeeshee faah faahin dheeri ah lagama bixin qaabka ay fayruskaas ku qaadeen iyo weliba xilliga uu ku dhacay.

Kiisaskan cusub ayaa toban ka dhigaya guud ahaan tirada dhaqaatiirta tan iyo bishii March ee sanadkan cudurka Ebola ugu geeriyoodey Sierra Leone.

Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa bishii hore ee November sheegay in heerka fidista cudurka Ebola hoos u dhacay isagoo ku baaqay in caalamku si wadajir ah isaga kaashado ka hortagga iyo weliba dabar goynta fayruska Ebola. 

Dhanka kale waxaa rajo wanaagsan laga muujiyey natiijada kasoo baxday tallaal loo diyaarinayo cudurka Ebola oo si tijaabo ah dalka Maraykanka loogu siiyey labaatan qof oo mutadawaciin ah.

Haddii tallaalkaasi noqdo mid taaba-gal ah waxaa marka ugu horeysa lagu duri doonaa tobannaan kamid ah shaqaalaha caafimaadka ee ka hawlgala wadamada galbeedka Afrika ee cudurkaasi faraha ba'an ku hayo. 

Laga soo bilaabo bishii March ee sanadkan 2014, waxaa cudurka Ebola u geeriyoodey in ka badan 5,000 oo qof, dadkaasoo badankoodu ku dhintay dalalka Liberia, Sierra Leone iyo Guinea. 

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Dad ku dhintay diyaarad ku burburtay dalka Kazakhstan

Aktau waxay ku taal xeebta ka soo horjeeda ee Badda Caspian ee dalalka Asarbayjan iyo Ruushka.

  • Caalamka

    25-12-2024

  • 01:02PM

Mareykanka oo ka laabtay $10 milyan oo dul-dhigtay madaxa Hogaamiyaha Suuriya

Beesha caalamku waxay sidoo kale ku degdegtay inay taageerto mabaadi'da loogu talagalay in lagu hago dawladda cusub ee Suuriya.

  • Caalamka

    21-12-2024

  • 09:26AM