Libya oo Golaha Ammaanka ka codsatey in laga qaado cuna-qabateynta

Image

February 19, 2015 (GO)- Dowladda Libya ayaaa ka codsatey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey in laga qaado cuna-qabateynta hubka si ay awood ugu yeelato la-dagaalanka kooxaha xagjirka ah ee xiriirka laleh ururka IS.

Wasiirka Arrimahada Dibadda Libya oo ka qayb galay shir Golaha Ammaanku shalay oo Arbaco ahayd yeeshay loogana hadlayey xaaladaha kasoo cusboonaaday Libya, wuxuu xubnaha golaha ammaanka ka codsaday in Libya ogolaansho loo siiyo inay hub kasoo iibsan karto dibadda.

Mohammed al-Dairi ayaa xusay in tallaabadani lagama maarmaan tahay si loo helo ciidamo xooggan oo dalkaasi yeesho awoodna u leh sugidda ammaanka iyo la-dagaalanka argagixisada.

"Libya waxay aad ugu baahan tahay taageerada beesha caalamka si ay dib ugu dhisato ciidankeeda taasina waxay imaan kartaa marka la qaado cuna-qabateynta hubka" ayuu yiri.

Todobaadkan horraantiisii ayey ahayd markii diyaaradaha dagaalka ee Masar duqeyn ka geystaan waqooyi bari Libya, kadib markii koox xagjir ah oo dalkaas ka dagaalanka xiriirna laleh ururka IS ay dishey kow iyo labaatan qof oo dhammaantood ahaa Masaari Kiristan ah.

GARWEO ONLINE

Related Articles

Maxay tahay sababta uu isku-casilay Keir Starmer, Ra’iisul Wasaaraha Britain?

Sanadkii 2024, Starmer ayaa xisbigiisa Labour ku hoggaamiyay guushii ugu weynayd ee baarlamaanka tan iyo 1997.

  • Caalamka

    22-06-2026

  • 09:28AM

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM