Lixdan jir la badbaadiyey kadib 102-saac uu burbur ku hoos jiray

Image
Eyup Ak ayaa kamid ah dhibaneyaasha musiibadan ballaaran ee ku dhufatay waddanka Turkiga.

ANKARA, Turkey - Eyup Ak oo lixdan jir ah ayaa isagoo nool laga soo saaray burburka dhismo dumay Jimcihii, taasoo ah badbaadin kale oo mucjiso ah oo ka dhacday koonfurta Turkiga muddo afar maalmood ah tan iyo markii dhulgariirro xooggan ay ku dhufteen gobolka.

Ak oo laga soo badbaadiyay gobolka Adiyaman ayaa lagu qaaday bareelo si uu u helo daryeel caafimaad ka dib samatabbixintiisa 104 saacadood ka dib markii ugu horeysay ee labadii dhulgariir ee ay ku dhinteen in ka badan 18,340 oo qof kaasoo sababay burbur baahsan.

Ugu yaraan 18,342 qof ayaa ku dhintay 74,242 kalena way ku dhaawacmeen laba dhulgariir oo ku dhuftay koonfurta Turkiga Isniintii, sida ay sheegtay wakaaladda masiibooyinka ee dalkaasi Jimcihii.

Cabirka dhulgariirrada oo kala ahaa 7.7 iyo 7.6 xudduna u ahaa gobolka Kahramanmaras, ayaa saameeyay in ka badan 13 milyan oo qof oo ku kala nool 10 gobol, oo ay ku jiraan Adana, Adiyaman, Diyarbakir, Gaziantep, Hatay, Kilis, Malatya, Osmaniye, iyo Sanliurfa.

Dhowr waddan oo gobolka ah oo ay ku jiraan Suuriya iyo Lubnaan ayaa laga dareemay gariirkii xoogganaa ee ku dhuftay wax ka yar 10 saacadood. Ankara ayaa taageero caalami ah ku heshay musiibadan oo lagu tilmaamay "midii ugu xumeyd guud ahaan taariikhda Turkida".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ugu yaraan 3 askari Mareykan ah oo ku dhintay howlgal ka dhan ah Iran – CENTCOM

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in shan askari oo kale ay soo…

  • Caalamka

    01-03-2026

  • 04:30PM

Imaaraadka oo ka digay tallaabo adag haddii weerarrada Iran sii socdaan

Markii la weydiiyay suurtagalnimada tallaabo militari, ayay sheegtay in arrintaas ay weli furan tahay.

  • Caalamka

    01-03-2026

  • 12:12PM