Madaxa FIFA, Sepp Blatter oo xilka iska casiley [DAAWO]

Image

Madaxa FIFA, Sepp Blatter ayaa ku dhawaaqay in uu ka degayo xilka guddoomiyenimada hay'adda maamusha kubadda cagta adduunka.

Mr Blatter ayaa kaga dhawaaqay go'aankiisa shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Zurich.

Waxay ku soo beegmaysaa lix maalmood kadib markii FBI ay weerartay hoteel ku yaalla Zurich oo ay xirtay dhowr ka mid ah saraakiisha FIFA.

Wuxuu sheegay in kulan aan caadi ahayn la qaban doono si loo soo xusho qofka badali doon.

Afar maalmood ka hor ayaa Mr Blatter dib loo doortay mar shanaad.

Blatter, ayaa ahaa 79 sano jir ah, wuxuuna maamulayay ururkan tobanaan sano. Wuxuu sheegay in shir deg deg ah ay FIFA yeelan doonto.

DAAWO KHUDBADII OO ISKU CASILEY OO DHAMEYSTIRAN

Xigasho:BBC

Related Articles

Ciidamada ICE oo in ka badan 400 qof ku qabtay gobolka Minnesota

Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota, oo ah tan ugu badan ee qowmiyad dibadda ka soo jeeda gudaha gobolka.

  • Caalamka

    15-12-2025

  • 11:26AM

Maraykanka oo Ka Qabsaday Markab Xeebaha Dalka Venezuela

Warbaahinta caalamiga ah ee Reuters iyo Bloomberg ayaa lagu soo warramay…

  • Caalamka

    10-12-2025

  • 09:16PM