Madaxda Caalamka oo Dayacdey Xaq Dhowrka Xuquuqul Aadanaha

Image

Siyaasado keeney dib u dhac iyo hadalo Naceyb ah oo kasoo yeeray Madaxweyne Trump, Putin iyo Xi ayaa wiiqdey xuquuqda caalamka, sidaas waxaa sheegey hay’adda qaabilsan xuquuqda aadanaha.


hoggaamiyayaasha aduunka ayaa waxyeeleynaya xuquuqda aadanaha malaayiin qof oo ku nool daafaha caalamka, kadib markii ay lasoo baxeen siyaasado naceyb ka Buuxo kuwasoo sababey mudaharaadyo ay sameynayaan dadka diidan go’aamadaan.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, hogaamiyaha dalka Ruushka Vladimir Putin iyo Madaxweynaha China Xi Jinping ayaa dib uga noqdey siyaasadahaan keeney dib u dhac sanadkii 2017 sidaas waxaa lagu sheegey warbixin sanadeedka ay soo saartey hay’adda xuquuqqul Insaanka qaabilsan.

Hay’adaan ayaa sidoo kale magacowdey madaxda wadamada Egypt, Philippines iyo Venezuela.

“ Madaxda kala ah el- Sisi, Dutete, Maduro, Putin, Trump iyo Xi waxay si arxan daro ah u waxyeeleynayaan xuquuqda Malaayiin qof oo ku nool caalamka.” Sidaas waxa lagu sheegey warbixintaan

Siyaasadahan ayaa waxa kamid ah xanibaadii dhinaca safarka ee Madaxweyne Trump ku soo rogey Lix wadan oo Muslim ah, halka Madaxweynaha Venezuela si xoog ah uga hortagey mudaharaadyo lagu diidanaa xukunkiisa. Hogaamiyaha dalka Philippines ayaa dilal sharci daro ah u gaystey dad lagu tuhunsan yahay iney ka shaqeeyaan mukhaadaraadka.

Dad gaaraya 20,000 ayaa Madaxweyne Rodrigo Duterto ku diley ololaha uu sheegey inuu kula dagalamayo mukhaadaradka tan iyo June 2016. 

Warbixntaan ayaa sidoo kale lagu sheegey sida dalka Myanmar ugu xadgudbey dadka laga tiro badan yahay ee Rohingya. 

Qaramada Midoobey ayaa horey u sheegtey in arinkaan uu noqon karo xasuuq lagu sameeyo dadkaan.

Related Articles

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM