Madaxweynihii Algeria oo is-casilay kadib dibaxbaxyo ka dhacay dalkiisa

Image

ALGIERS, Algeria – Cabdicasiis Bouteflika ayaa iska casilay xilka madaxwaynaha Algeria kadib todobaadyo mudaaharaadyo waawayn, sida uu shaaciyay Tv-ga dowladda.

Bouteflika, oo xukunka haya 20-sano, ayaa horey uga tanaasulay in uu u tartamo markii 5aad xilka madaxtinimo taasoo dib loo dhigay illa aiyo 28-ka April.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii taliyaha ciidamada dalkaasi uu ku dhawaaqay in 82-sano jirkaan uusan shaqada sii wai karin maadaama uu gaboobay.

Lix sano ah la dhibaatoonayay dhabar xanuun ayaa keentay in uu ku socdo kursiga dadka lixaadkooda aan dhameen iyo fagaaro kasoo muuqashadiisa oo yaraatay.

Kadib is-casilaada Mr Bouteflika magaalada caasimad u ah Algeria waxaa durba ka bilowday dibad-baxyo waawayn oo loogu dabaaldegayo arrinkaan.

Tani ayaa la sheegay in ay guul wayn u tahay mucaaradka oo haatan helaya fursad ah ay baratanka qayb kaga noqondaan si ay labinta u helaan, inkastoo ay loolan la kulmayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ugu hanjabay Iran Dagaal ka weyn kii hore haddii diido ‘Heshiis Rasmi Ah’

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social, ayuu Trump ku sheegay in joogitaankan uu ka koobnaan doono.

  • Caalamka

    09-04-2026

  • 05:33AM

Lubnaan: Israel oo 112 qof ku dishay duqeymo Maanta fulisay

Lubnaan waxay ku jirtaa xaalad adag, dadka rayidka ah ayaana bixinaya qiimaha ugu sarreeya ee colaaddan.

  • Caalamka

    08-04-2026

  • 04:28PM