Madaxwaynihii hore ee Peru oo is-toogtay kahor inta aan la xirin

Image

LIMA, Peru - Madaxwaynihii hore ee dalka Peru ayaa lagu waramayaa in geeriyooday kadib markii uu iska toogtay madaxa markii ciidamada Booliska ay yimaadeen hoygiisa si ay u xiraan.

Alan Garcia ayaa loola cararay isbitaal si loo badbaadiyo noloshiisa, balse waxaa lasoo wariyay in uu dhintay.

69-sano jirkaan ayaa wajahayay eedaymo ku aadan in uu sameeyay musuq-maasuq, uuna ku tagrifalay hanti dadwayne.

Garcia oo rumeysan mab'da wadaniyadda mayalka adag ayaa hogaamiya ka ahaa xisbiga taageerada badan haysta ee Apra muddo tobban sano ah.

Dalka Peru ayuu madaxwayne ka ahaa intii u dhaxeysay 1985 illaa iyo 1990. Si lamid ah, waxa uu mar kale noqday 2006 illaa iyo 2011.

Kiiska musuq-maasuqa ee lagu haystay ayaa dibada u soo baxay 2016-kii markaasi oo uu qandaraas si hoose uu u siiyay shirkad reer Brazil ah.

Sanadkii hore waxa uu magan-galyo siyaasadeed waydiistay Uruguay markii looga mamnuucay in uu wadanka baxo baaritaanka ku socda awgii.

Dhowr jeer ayuu ku cel-celiyay in uusan sameynin wax khalad ah, balse talaabada uu isku dilay ayaa shaki-dhalineysa xaqiiqo sheegistiisa, sidda ay aaminsan yihiin dacwad oogayaasha iyo dadka kasoo horjeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: “Kama walwalsani isbaheysiga Shiinaha iyo Ruushka ee ka dhan ah Maraykanka”

Trump, oo ololihiisa doorashada ku saleynaya ballanqaadka inuu si degdeg ah u soo afjari doono dagaalka Ruushka ee Ukraine.

  • Caalamka

    03-09-2025

  • 06:42AM

Trump oo shir jaraa'id qabanaya kaddib markii la faafiyey warar ku saabsan Caafimaadkiisa

Inkastoo uu Trump Axaddii lagu arkay ciyaar golf ah oo uu la ciyaarayay caruurtiisa woqooyiga Virginia.

  • Caalamka

    02-09-2025

  • 12:46PM