Madaxweynaha dalka Turkiga oo cunaqabateyn lagu soo rogayo

Image

WASHINGTON, US – Laba mudane oo ka tirsan Aqalka Sarre ee waddanka Mareykanka ayaa Arbacadii waxay soo bandhigeen soo jeedin ku aadan in cunaqabateyn lagu soo rogay qaranka Turkiga.

Talaabadan ayaa kusoo aadeysa iyadda oo Ankara ay ka bilowday waqooyi barri Suuriya weeraro ka dhan ah falaagadda PKK/YPG.

Dunida ayaa waxay aad u cambaareysay howlgalkaas oo mas’uuliyiinta Turkigu ula baxeen magaca "Howlgalkii Faafinta Nabadda".

Lindsey Graham oo ka tirsan Jamhuuriga iyo Chris Van Hollen oo dimoqraadiga ah ayaa dalbaday in xayiraadan ay ku raacdo dowladooda.

Dadka lagu beegsanayo talaabadan cusub ayaa waxaa ku jira madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo hanti fara badan oo u taala Mareykanka.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegeysa in soo jeedinta ay qayb ka tahay in xayiraad lagu soo rogo dal ku galka [visaha] Turkiga.

Intaas waxaa wehlisa xayiraadyo ka dhan ah taageerada milatariga, shirkadaha Tamarta Turkiga. Si lamid ah, mamnuucida warbixinada ay is-dhaafsadaan xoogaga Mareykanka iyo Turkiga.

Ugu dambeyntii, waxay mudaneyaasha ay soo jeediyeen in Mareykanka uu qaadaco in Turkiga soo iibsado nidaamka difaaca sawaariida Ruushka, iyo cunaqabateyn ka dhan ah arrintaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM