Madaxweynaha Eritrea oo Abu Dhabi kulamo kula leh madaxda UAE

Image

ABU DHABI - Madaxweynaha dalka Eritrea, Isaias Afwerki ayaa shalay booqasho saddex maalmood ah uga billaabatay dalka Imaaraadka Carabta, oo ay kawada hadleen arrimaha isbedelka gobolka Geeska Africa.

Dhaxal sugaha Abu Dhabi, Shaikh Mohammad Bin Zayed Al Nahyan ayaa wafdiga Madaxweyne Afwerki ku qaabilay Aqalka Madaxtooyadda magaaladaasi, isagoo u sameeyay soo dhaweyn heer sare ah.

Al Nahyan oo sidoo kale ah taliyaha ciidamada qalabka sida ee Imaaraadka iyo Afwerki ayaa kulankooda ku gorfeeyay xiriirka labada dal, iskaashiga dhaqaalaha, Ganacsiga, maalgashiga iyo arrimaha gobolka.

Dhaxal sugaha Abu Dhabi ayaa soo dhaweeyay heshiiskii Taariikhiga ahaa ee Eritrea iyo Ethiopia kusoo afjareen colaadooda, kaasoo dhex-dhexaadisay Sacuudiga, laguna saxiixay Todobaadkan Jeddah.

Al Nahyan ayaa boqorka Sacuudiga, Salman Bin Abdul Aziz ku amaanay doorkiisa dhex-dhexaadinta Eritrea iyo Ethiopia, taasi amni, nabad iyo xasilooni loogu soo dabaalay gobolka Geeska Africa.

Wuxuu Al Nahyan hoos ka xariiqay in Imaaraadka uu taageerayo heshiiska nabadda Eritrea iyo Ethiopia, islamarkaana dalalka ku caawin doono inay horumar dhaqaale iyo mid siyaasadeed gaaraan.

Dhankiisa Madaxweyne Afwerki ayaa amaaney dedaallada Imaaraadka ee horumarinta nabada iyo xoojinta amniga iyo xasiloonida gobolka iyo caalamka.

Booqashada Afwerki oo saddex maalmood qaadan doonto, laga sooo billaabo shalay oo Arbaco ahayd ayaa waxay timid kadib markii uu kasoo laabtey Sacuudiga, halkaasoo isaga iyo Abiy Axmed Heshiis ku saxiixeen.

Afwerki ayaa intii uu ku sugnaa Jeddah la kulmay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, oo ka qeybgalay xafladda saxiixa heshiiska nabada, xilli boqor Salman labada hogaamiye dhex-dhexaadinayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo kordhiyey joogitaankiisa ciidan ee Bariga Dhexe, iyadoo cadaadis lagu saarayo Iran

Warqad ay Iran u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayay ku sheegtay inaysan…

  • Caalamka

    20-02-2026

  • 11:40AM

Trump oo Shirkii ugu horreeyay ee “Board of Peace” ku qabtay Washington 

Trump ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha guddiga ay ballanqaadeen $7 bilyan oo loogu talagalay dib-u-dhiska Gaza.

  • Caalamka

    19-02-2026

  • 08:30PM