​Madaxweynaha Gambia oo diiday natiijada Doorashada

Image

Madaxweynaha dalka Gambia, Yahya Jammeh ayaa diiday inuu aqbalo natiijada doorashada dalkaasi ka qabsoontay 01 December, 2016, wuxuuna ku baaqay in lagu celiyo isagoo xusay inuusan ku kalsoonayn qaabka uu kusoo baxay ninka la tartamay ee Adama Barrow.

Hogaamiyahan dalkaasi soo maamulayay 22 sano, ayaa horay u sheegay in looga guulaystay doorashada isagoo u hambalyeeyay Barrow oo uu tilmaamay inuu kusoo baxay qaab xalaal ah, wuxuuna xilligaas ballanqaaday inuu ku wareejin doono xilka islamarkaana u guuri doono beertiisa dalkaasi ku taal.

Balse, xalay mar uu kasoo muuqday TV-ga dowladda ayuu shacabka u sheegay in loo baahanyahay codayn labaad iyo in mar kale la tartamo.

"Ka dib markii aan samaynay baaritaan buuxa, Waxaan go'aansaday inaan diido natiijada doorashada dhawaan qabsoontay. Waxay ahayd mid halis ah oo aan la aqbali karin maadama arrimo badan hareeyeen codbixinta doorashada intii ay socotay," Sidaas waxaa sheegay Yahye.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu codsaday,"Waxaa dalbanayaa in la sameeyo doorasho xor ah, taasoo ay maamulayaan guddi madax bannaan".

Sida lagasoo xiganayo guddiga doorashooyinkii dalkaas ka qabsoomay, murashaxiinta ayaa sidan u kala helay natiijada codadkii la dhiibtay;

Mr Barrow, waxaa u codeeyay 263,515 taasoo u dhiganta (45.5%)

Madaxweyne Jammeh wuxuu helay  212,099 (36.7%)

Halka ninka saddexaad, Mama Kandeh, uu helay 102,969 (17.8%).

Qolyaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa mudane Yahye ku eedeeyay inuu jirdil iyo xarig kula kaco mucaaradka iyo wariyaasha dalkaas ku sugan.

Sababta u horseeday guuldarrada ayaa loo aanaynayaa duullaan siyaasadeed oo xoog leh taasoo uga timid 51 is-bahaysi ay ku jiraan 7 xisbi mucaarad.

Waddankan yar ee  Gambia ayaa ku yaalla qaaradda Galbeedk Africa, waxaana gumaystay England iyo France isagoo xuduud la leh Senegal.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM