​Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay Safarkiisa Qandala iyo dilalkii ka dhacay Bosaso [Dhagayso]

Image

BOSASO, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas, ayaa ka hadlay safar qaatay muddo 3 saac ah oo  isaga iyo xubno katirsan dowladda ku tageen degmada Qandala ee gobolka Bari.

Gaas, ayaa waraysi uu siiyay VOA, ku sheegay in degmadan ay tahay mid taariikhi ah islamarkaana khayraad badan ka helaan shacabka Puntland, balse dhibaato xooggan u gaysteen koox katirsan Daacish.

Madaxweyanaha, ayaa xusay in safarkan oo dhinaca badda ahaa, la xiriiro sidii dadka deegaanka loogu boorin lahaa inay dib usoo laabtaan magaalada iyadoo la howlgalinayo dhammaan xarumihiin bulshada iyo kuwii dowladda ee laga qaxay.

Mar wax laga weydiiyay halka ay ku dambeeyeen kooxdii qabsaday Qandala, wuxuu sheegay inay qaybtood gacanta ku dhigeen, koox kale firxadeen halka kuwo kale lagu raad joogo isagoo ballanqaaday inaysan sii joogi doonin Puntland, wuxuuna ku sifeeyay Khawaarijiyiin ilaahay ka fogaaday oo dadka dhibaataynaya.

Madaxweynaha, ayaa sidoo kale ballanqaaday in magaalada joogi doonaan ciidamo katirsan Puntland, kuwaasoo ka hortagi doona falalka Xagjiriinta.

Wuxuu xusay inuu kormeer kusoo sameeyay dhammaan qaybaha magaalada isagoo intaas ku daray inuu tagay goobihii caafimaadka, waxbarashada, saldhigga booliiska iyo goobo kale, kuwasoo kusoo arkay dhibaato laxaad leh.

"Waxaan booqday cusbitalka magaalada, waxaan soo aragnay bur-bur loo gaystay sida tallaagadihii iyo soollarkii cusbitaalka oo ay xabad la dhaceen kooxdaas oo runtii aan wax wanaag ah u wadani bulshada,"Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Cabdiwali Maxamed Cali, ayaa sidoo kale sheegay inay amarsiiyeen wasaaradaha Caafimaadka iyo waxbarashada si dadka deegaanka wax loogu qabto.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale wax laga weydiiyay, dilal ka dhacay magaalada Bosaso oo lagu laayay mas'uuliyiin katirsan dowladda, wuxuuna sheegay inay rajo wanaagsan qabaan islamarkaana gacanta kusoo dhigi doonaan dadkii falkaas fuliyay, wuxuuna sheegay in magaalada Bosaso tahay amni.

Hadalka Gaas, ayaa yimid xilli wali laamaha amnigu gacanta kusoo dhigin kooxihii ka dambeeyay dilka saraakiishaas iyadoo sidoo kale aan war laga hayn halka ay ku dambeeyeen kooxdii ka baxday degmada Qandala ee sheegatay inay katirsantahay Daacish.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM