Madaxweynaha Shiinaha oo booqasho taariikhi ah ku tagay UAE

Image
Image
Image
Image
Image

ABU DHABI - Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, ayaa Khamiistii waxuu booqasho ku tagey dalka Imaaraadka, isagoo noqday hogaamiyihii ugu horeeyay oo ka socda dalkiisa oo mudo 29 sano kadib booqda Abu Dhabi.

Diyaarado dagaal uu ay leeyihiin Ciidamada cirka Imaaraadka ayaa diyaaraddii waday wafdiga Madaxweyne Xi usoo galbiyay dalkaasi, kadib markii ay hawadiisa soo gashay, sababo amni.

Markii uu kasoo dagay Garoonka diyaaradaha magaalada Abu Dhabi, Xi iyo xaaskiisa Peng Liyuan waxaa si diiran usoo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka Imaaraadka, Ra'iisul Wasaaraha, Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum iyo naxal-sugaha Abu Dhabi, Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan.

Xi waxaa ubaxyo gudoonsiiyay caruur u dhashay Imaaraadka, oo loo diyaariyay soo dhaweyntiisa.

Madaxweyne ku xigeenka UAE ayaa Madaxweynaha Shiinaha xaflad soo dhaweyn ah ugu sameeyay Garoonka diyaaradaha, kahor inta aan loo galbin aqalka madaxtooyadda, halkaasi oo wadahadal ku dhexmaray.

21 gantaal ayaa loo riday Xi iyo marwadiisa iyagoo salaan sharaf ka qaatey ciidanka Imaaraadka. Waxaa intaasi kadib, Xi uu wadahadal la qaatey Madaxweyne ku xigeenka UAE iyo dhaxal-sugaha Abu Dhabi.

Isagoo ku hadlaya magaca dowaldda Shiinaha iyo shacabkeeda, Xi ayaa salaad diiran iyo hambalyo u diray dowladda Imaaraadka iyo shacabkeeda.

Tan iyo markii la aas-aasay xiriirka diblomaasiyadeed ee labada wadan 34 sano kahor, Shiinaha iyo Imaaraadka ayaa midba midka kale ula dhaqmayay si xushmad iyo sharaf ay ku jirto ula dhaqmayay.

Madaxweyne Xi ayaa sheegay in xiriirka dalkiisa uu la leeyahay Imaaraadka sii xoogeysanayay tan iyo markii uu billowday, iyadoo horumaro ay ka sameeyeen dhinacyo badan, oo ganacsiga ugu horeeyo.

Wuxuu sheegay in UAE uu yahay dalka ugu horeeya ee booqashadiisa dibadda ku yimaado tan iyo markii dib loogu doortay xilka Madaxweynaha horaantii sanadkan.

Tani ayaa muujinaysa in Shiinaha ahmiyad siinaya xiriirka Imaaraadka.

Xi ayaa intaasi ku daray in uu dareemay xamaasad iyo saaxiibtinimo ay u muujiyeen shacabka Imaaraadka markii uu kasoo dagay Garoonka Abu Dhabi, waxaana uu uga mahadceliyay soo dhaweynta quruxda badan.

Booqashada Madaxweynaha Shiinaha ee Imaaraadka ayaa qaadan doonta mudo saddex maalmood ah, waxaana Xi uu daboolka ka qaaday inuu kalsooni badan ku qabo in booqashadiisa sii xoojinayso xiriirka.

Madaxweyne ku xigeenka Imaaraadka iyo dhaxal-sugaha ayaa ku tilmaamay Xi saaxiib soo jireen ah, oo saaxiib wanaagsan la ah shacabka dalka UAE.

"Sharaf weyn ayay noo tahay in Xi uu booqashadiisii ugu horeysay oo dibadda ah ku yimaado Imaaraadka tan iyo markii dib loo doortay," ayay yiraahdeen madaxda Imaaraadka.

Qeybaha kala duwan ee shacabka Imaaraadka waxay dhamaantooda u hamuun-qabeen booqashada Madaxweynaha Shiinaha, oo ay ku tilmaameen mid muhiim ah oo taariikhi ah, oo sidoo kale horumarinaysa xiriirka labada dhinac.

Booqashadiisa Imaaraadka kadib, Xi ayaa u ambabixi doona Senegal, isagoo uga soo gudbi doona halkaasi South Africa, oo uga qeybgalayo shirka 10th BRICS summit oo lagu qabanayo magaalada Johannesburg.

Lugta ugu dambeysa wuxuu wafdiga Xi ku tagi doonaa Mauritius. Shiinaha ayaa xiriir taariikhi ah oo dhanka ganacsi la leh Africa, waana dalka ugu horeeyay ee maalgashiga ku sameeya khayraadka qaaradda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Hanjabay inuu Maxkamad la Tagayo The New York Times iyo CNN

Warbaahinta CNN ayaa si buuxda u difaacday shaqaalaheeda, iyagoo sheegay in warbixintoodu ahayd mid sax ah.

  • Caalamka

    27-06-2025

  • 07:32AM

Zohran Mamdani oo la filayo inuu noqdo Duqa ugu horreeya ee Muslim ah ee New York: Taariikh cusub 

Mamdani wuxuu ku dhashay Kampala, caasimadda Uganda, sanadkii 1991. Waalidkiis waxay asal ahaan ka soo jeedaan Hindiya.

  • Caalamka

    26-06-2025

  • 10:26AM