Madaxweynaha Sri Lanka oo diiday in uu is-casilo

Image
Dadka reer Sri Lanka ayaa wajahaya koronto la’aan 13 saacadood ah, sicir barar xoogan iyo cunta yari.

COLOMBO, Sri Lanka - Madaxweynaha dalka Sri Lanka, Gotabaya Rajapaksa, ayaa diiday baaqyo uga imaanayey shacabka iyo siyaasiyiinta kasoo horjeeda iyadoo ay dalka ka jirto dhibaato dhaqaale oo baahsan.

Dad baban ayaa isugu soo baxay jidadka waaweyn ee magaalada Colombo, iyagoo ka cabanaya koronto la’aan, yaraanta gaaska, cuntada iyo agabka kale ee aas-aasiga ah.

Cadhada dadwaynaha ayaa keentay in ku dhawaad dhammaan Golaha Wasiirada ay is casilaan, Xildhibaano tiro badanna ay isaga tagaan xukuumada. Xildhibaanada mucaaradka ayaa sidoo kale ku gacan seyray casuumaad uu u fidiyay oo ahayd in la dhiso dowlad loo dhan yahay, iyagoo sheegay in codbixiyayaashu ay doonayaan in madaxweynaha iyo dhammaan xukuumadda ay is casilaan.

Madaxa dawladda, Johnston Fernando ayaa sharci-dajiyayaasha u sheegay Arbacadii: "Wax kasta oo dhaca, ka xukuumad ahaan, waxaan cadeyneynaa in Madaxweyne Gotabaya Rajapaksa aanu iska casili doonin xilkiisa."

Habeenimadii Talaadada, Mr Rajapaksa waxa uu qaaday bandowgii saarnaa magaalada taas oo muran badan dhalisay ka dib markii ay dhaceen mudaaharaadyo dheeraad ah oo sababay is casilaadda wasiirkii maaliyadda iyo bixitaanka 41 xildhibaan.

Madaxwaynaha ayaa cuskaday 1-dii Abriil sharci u ogolaanaya in diginin la’aan la xiro tuhmanayaasha ka dib mudaaharaadyo ka dhacay banaanka gurigiisa ka soo horjeedda.

Dalka Sri Lanka ayaa waxaa soo food saartay dhibaato dhaqaale tii ugu darneyd tan iyo markii ay xornimada ka qaateen Boqortooyada Ingiriiska sanadkii 1948-kii.

Dalkan ku yaala Koonfurta Aasiya ayaa si aad ah ugu tiirsan waxa ay lasoo dagaan, iyagoo hadda aan haysan kayd doolar oo ku filan in ay kusoo iibsadaan agabka ay u baahan yihiin sida cuntada iyo shidaalka. Dadka reer Sri Lanka ayaa wajahaya koronto la’aan 13 saacadood ah, sicir barar xoogan iyo cunta yari.

Mid ka mid ah dibadbaxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa yiri, “Dadku ma awoodaan inay iska bixiyaan qutul daruuriga, mana raaci karaan basaska si ay shaqada u aadaan ama uga imaadaan.”

Iyadoo inta badan mudaaharaadyadu ahaayeen kuwo nabdoon, ayaa waxaa sidoo kale jiray kuwo watay rabshado lagu weeraray guryaha siyaasiyiinta halkaas oo uu ka dhacay isku dhacyo dhexmaray dibad baxayaasha iyo booliiska dalka.

Talaadadii, Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujiyay bandowga lagu soo rogay caasimadda ka hor inta aan qaadin.
Qaramada Midoobay ayaa xustay warbixinnada rabshadaha booliska waxeyna sheegtay inay ka walaacsan tahay xannibaadaha looga golleeyahay "ka-hortagga dadka inay si sharci ah u muujiyaan waxyaabaha ay tabanayaan".

Waxa ay sidoo kale sheegtay laba arimood oo hoos u dhac weyn u keenay dhaqaalaha dalka Sri Lanka kuwaas oo kala ah; in dowladda ay awoodeeda u jiheysay dhanka milatariga iyo in ay hoos u dhigtay awoodda hay’addaha hubinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo 100-200 oo Go'aano Culus ah Laga Filayo Maalinta ugu horeysa uu Xafiiska la wareego

Waxaa la filayaa in tallaabooyinkan ay ka abuuri doonaan dood ballaaran oo siyaasadeed iyo mid bulsho.

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 07:28AM

Falastiiniyiinta oo farxad ku jira iyo Isra’il oo sii daysay 90 Maxbuus

Is weydaarashada maxaabiista ayaa qeyb ka ah wajiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta ee dhex maray Isra’il iyo Xamaas

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 05:41AM