​Madaxweynaha Turkiga oo booqasho ku yimid Africa

Image

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Booqasho afar maalmood ah uga billaatay inuu ku maro dalal ku yaalla qaaradda Africa, halkaasoo waddankaas muddooyinkii dambe kor u qaadayay xiriirka uu la leeyahay.

Erdogan ayaa waxuu lugta hore ee Booqashadiisa Africa ku tagey dalka Tanzania, oo ay uga sii gudbi doonaan waddamada Mozambique iyo Madagascar.

Ganacsato waaweyn oo u dhashay dalka Turkiga ayaa kamid ah Wafdiga Recep Tayyip Erdogan ee booqanayo Tanzania, Mozambique iyo Madagascar.

Ujeedka safarka Erdogan ayaa la xiriirta xoojinta xiriirka Ganacsiga ee Turkiga uu la wadaago Africa.

Sidoo kale, Madaxweyne Erdogan waxa uu kala hadli doonaa Madaxda saddexdaas dal sidii loo xiri lahaa Iskuullo ay maamulaan Hay'ado uu leeyahay Wadaadka la doondoonayo ee Fethullah Gulen.

Fethullah Gulen oo ku nool Mareykanka, ayaa lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay Afgenbigii fashilay ee July, 2016 ka dhacay dalka Turkiga, waxaana markaasi wixii ka dambeeyay la xiray Iskuulada iyo Xaruumaha kale ee xiriirka la leh wadaadkaasi.

Turkiga ayaa 20-kii sano ee lasoo dhaafay sare u qaaday xiriirka Ganacsi iyo midka Amniga ee Africa, waxaana uu ka furtay dalal badan oo Somalia ay ku jirto Safaarado danahiisa uga shaqeeyo.

Somalia, waxa uu Turkiga ka furtay Safaaraddii ugu waynayd Africa iyo saldhig Military, iyadoo dhinac kalena dowladda Somalia ka caawiyo arrimaha dhaqaalaha, oo lacag deeq ah siiya sanad kasta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM

Madaxii Jabhadda STC ee Yemen oo u baxsaday Imaaraadka Carabta, isagoo sii maray Somaliland

Isbahaysiga Sucuudiga hoggaamiyo ayaa jawaab uga bixiyey arrintaas duqeymo…

  • Caalamka

    08-01-2026

  • 06:17AM