Madaxweynaha Turkiga oo xariga ka jarey dhisme Safaarad cusub

Image
Image
Image

MUQDISHU,Somaliya- Madaxweynaha dalka Turkiga oo booqasho maanta ku tagey magalaada Muqdishu ayaa xariga ka jarey dhisme cusub ee safarada ugu weyn ee dalkiisu ku leeyahay caalamka.

Munaasabada furitaanka dhismahaan ayaa waxaa ku weheliyey maaxweyne Erdogan Madaxweynaha Somaliya Xasan Shiikh.

Erdwogan oo Khudbad ka jeediyey munaasabadaas ayaa sheegey in dlakiisu sii wadi doono tageerada uu siiyo dowlada ka dhisan magalaada Muqdishu.

Dhismaha safaarada oo dhulka ay ku fadhido laga siiyey dalka Turkiga Halka ay ku taaley Dakadii hore ee magaalada Muqdishu ayaa dad badan wax iska waydiiyeen sharciyadiisa.

Booqashada Erdogan ku yimid magalaada Muqdhishu ayaa kamid ah safar maaxweynaha Turkiga ku soo marey wadamo ka tirsan qaarada Afrika.

Turkiga gaar ahaan qoyska Madaxweyne Erdogan ayaa dano dhaqaale ku leh wadanka Somaliya gaar ahaan magaalada Muqdishu halkasoo ku kooban tahay mashaariicda uu dalkaas la fuliyo. 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM