​Madaxweynaha Ukraine oo ka hadlay dilka wariye caan ah

Image
Image
Image

Madaxweynaha dalka Ukraine Petro Poroshenko ayaa ka hadlay dilka Wariye caan ah oo shalay lagu dilay magaalada Kiev kadib miino loogu xiray baabuur uu watay isagoo doonayay inuu ka qayb galo bandhig uu samaynaya Radio fadhigiisu yahay dalkaasi.

Pavel Sheremet,  oo da’diisu aheyd 44 ayaa ahaa wariyaha la dilay, waxaana arrintaasi cambaareeyay Madaxweyne Poroshenko oo ku tilmaamay dambi qaran, wuxuuna laamaha ammaanka ka codsaday inay baaritaan ku sameeyaan ciddi ka dambaysay.

Wariye Sheremet ayaa ka howlgali jiray website ka Ukrainska Pravda,isagoo horay u ahaan jiray mid ka shaqeeya TV-qaranka ee Raashiya ka hor intii uusan u soo dhaqaaqin dhinaca dalka uu ku dhintay.

Ninka u dhashay dalka Belarus ayaa aad caan uga ahaa dunida, wuxuuna saaxiib dhow la ahaa madaxda waddankaasi iyo siyaasiyiin magac ku lehda dalka Raashiya.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay dilka wariyahaasi, waxaana booliska dalkaasi baadi goob ugu jiraan sababta loo dilay.

Sheremet ayaa sannadkii November 28, 1971 ku dhashay magaalada Minski dalka Belarus, wuxuuna kasoo shaqeeyay warbaahino kala duwan isagoo inta badan arrimaha siyaasadda wax ka qori jiray.

GAROWEONLINE

Related Articles

NASA: Afar Cirbixiyeen Oo Si Nabad Ah Uga Soo Laabtay Safar Ay Ku Tageen Dayaxa

Howlgalka Artemis II wuxuu jebiyey rikoor hore oo masaafo ah, isagoo ka fogaadey…

  • Caalamka

    11-04-2026

  • 02:17AM

Trump oo dalbaday in la yareeyo duqeymaha Lubnaan, xilli wadahadallo la filayo

Trump ayaa hadalkan sheegay Khamiistii, xilli uu wareysi kooban siiyey NBC News, isagoo…

  • Caalamka

    09-04-2026

  • 09:12PM