​Madaxweynaha Ukraine oo ka hadlay dilka wariye caan ah

Image
Image
Image

Madaxweynaha dalka Ukraine Petro Poroshenko ayaa ka hadlay dilka Wariye caan ah oo shalay lagu dilay magaalada Kiev kadib miino loogu xiray baabuur uu watay isagoo doonayay inuu ka qayb galo bandhig uu samaynaya Radio fadhigiisu yahay dalkaasi.

Pavel Sheremet,  oo da’diisu aheyd 44 ayaa ahaa wariyaha la dilay, waxaana arrintaasi cambaareeyay Madaxweyne Poroshenko oo ku tilmaamay dambi qaran, wuxuuna laamaha ammaanka ka codsaday inay baaritaan ku sameeyaan ciddi ka dambaysay.

Wariye Sheremet ayaa ka howlgali jiray website ka Ukrainska Pravda,isagoo horay u ahaan jiray mid ka shaqeeya TV-qaranka ee Raashiya ka hor intii uusan u soo dhaqaaqin dhinaca dalka uu ku dhintay.

Ninka u dhashay dalka Belarus ayaa aad caan uga ahaa dunida, wuxuuna saaxiib dhow la ahaa madaxda waddankaasi iyo siyaasiyiin magac ku lehda dalka Raashiya.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay dilka wariyahaasi, waxaana booliska dalkaasi baadi goob ugu jiraan sababta loo dilay.

Sheremet ayaa sannadkii November 28, 1971 ku dhashay magaalada Minski dalka Belarus, wuxuuna kasoo shaqeeyay warbaahino kala duwan isagoo inta badan arrimaha siyaasadda wax ka qori jiray.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM