Madaxweynaha Yemen oo baaq nabadeed u direy Xuuthiyiinta

Image

March 22, 2015 (GO)- Madaxweynaha Yemen Abd-Rabbu Mansour Hadi ayaa ugu baaqay mileeshiyaadka Xuuthiyiinta inay isaga baxaan xarumaha dowladda dibna u celiyaan hubka ay ka boobeen xerooyinka ciidamada.

Abd-Rabbu oo khudbadiisii ugu horreysey jeediyey laga soo bilaabo markii uu isagoo baxsad ah tegey magaalada Cadan, wuxuu ku boorriyey madaxda kooxda Xuuthiga inay miiska wada xaajoodka soo fariistaan.

Ciidamada qalabka sida wuxuu iyagana kula dardaarmey inay dhex dhexaad ka noqdaan khilaafka siyaasadeed ee jira xilna iska saaraan sidii ay u xakameyn lahaayeen xaaladda oo haddii ay faraha ka baxdo dhibaato dhaqaale iyo mid bini aadamnimo oo ba'an horseedi doonta.

Madaxweynaha Yemen ayaa sheegay in habka keliya in dhibaatada dalkaas ka jirta xalka looga gaari karaa ay tahay in lasii dardar geliyo wada xaajoodyada siyaasadeed ee dalalka Khaliijku hormuudka ka yihiin.

Labo maalmood kahor ayey ahayd markii ku dhowaad boqol iyo konton qof ku dhinteen in ka badan saddex boqol oo kalena ku dhaawacmeen qaraxyo ismiidaamin ahaa oo lala beegsadey labo masjid oo dadka Shiicada ahi ku cibaadeystaan oo magaalada Sanca ku yaal. Mas'uuliyadda qaraxyadaas waxaa sheegatey kooxda Daacish ee fadhigeedu yahay dalka Ciraaq.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sadiq Khan: Muxuu Trump igu mashquulay anigoo duq magaalo ah, oo qol uga degay Maskaxdiisa?

Balse Sadiq Khan ayaa isagu jawaabtiisa ku sheegay: “Waxaan si weyn ugu faanayaa horumarka aan ka sameyneyno magaalada London.

  • Caalamka

    24-09-2025

  • 11:52AM

Muftiga Guud ee Sacuudiga, Sheikh Abdulaziz bin Abdullah Al-Sheikh, oo geeriyooday

Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed bin Salman – oo hadda gacanta ku haya maamulka maalinlaha ah ee dalka.

  • Caalamka

    24-09-2025

  • 08:12AM