Madaxweyne Cabdul Rabu oo ku noqdey dalka Yemen

Image

Madaxweynaha Yemen Cabdul Rabu Mansuur Haaddi, ayaa dib ugu laabtay dalka Yemen, kadib muddo lix bilood ah oo uu dalka ka maqnaa, sida ay sheegeen saraakiil. 

Haaddi, ayaa ka degay magaalada Cadan, isagoo ka soo kicitimay dalka Sacuudiga  uu ku noolaa lixdii bilood ee ugu dambeysay, kadib markii maleeshiyaadka Xuutiyiinta ay ku dhawaadeen inay qabsadaan magaalada Caden oo gabbaad u aheyd madaxweynaha.

Sidoo kale, toddobaadkii hore, xubnaha golaha dowladda Yemen, ayaa dib iyaguna ugu laabtay Yemen, kuwaas oo ka baxsaday maleshiyaadka Xuutiyiinta oo isku dayay inay ridaan dowladda. Xubnahan ayaa waxay ku noolaayeen dalka Sacuudiga, oo dagaal kula jira maleeshiyaadkaasi.

Hadda, ayay golahani ku shaqeyn doonaan magaalada Cadan, iyagoo shaqada ugu horeysana ay tahay sidii waddanka ay u xasilin lahaayeen.

Dhanka kale, xulafada dayaaradaha dagaalka ee Sacuudiga uu hoggaaminaayo, ayaa weerar ku qaaday goob deegaan ah oo caasimadda Yemen ah, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan labaatan ruux, sida ay sheegen saraakiil caafimaadka.

VOA

Related Articles

Israa’iil oo carqaladeysay gargaarkii Gaza xili ay jirto xabbad-joojin

Gudaha Gaza, dhaqdhaqaaqyada u baahan isku-duwidda ciidamada Israa’iil ayaa iyaguna la kulmaya caqabado.

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 08:22AM

Ciidamo Mareykan ah oo Gaaray Waqooyiga Nigeria

Toddobaadkii dhammaadkiisii hore, rag hubeysan oo watay mootooyin ayaa weera…

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 07:44AM