Madaxweyne ku xigeen la xaqiijiyey in laga helay Coronavirus

Image

TEHRAN, Iran – Madaxweyne ku xigeenka Iiraan, Eshaq Jahangiri, ayaa lagu waramay in Arbacadii laga helay caabuqa dilaaga ah ee Coronavirus.

Wakaaladda wararka Fars ayaa ku warantay in Jahangiri uu ku biirayo liiska mas'uuliyiin kale oo cudurkaas uu ku dhacay.

Wasiirka Dhaqanka iyo Hidaha, Ali Asghar Mounesan, iyo, Reza Salehi Amiri, madaxweynaha xiriirka kubadda dalkaas ayaa kamid ah.

Tirro Xildhibaano ah iyo wasiir ku xigeenka caafimaadka, ayaa qeyb ka ah mas'uuliyiinta kale ee liiskaas kasoo muuqdey.

Telefishinka dowladda ayaa baahiyey in tiradda dadka uu xanuunkaas ku dilay Iiraan ay haatan mareyso 354 ruux oo ay ku jiraan mas'uuliyiin.

Sidda ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka, 63 kamid ah dadkaas waxay ku geeriyoodeen muddo 24-saac gudahooda ah. Guud ahaan, dadka ku nool Iran ee caabuqa laga helay waxay gaareysaa sagaal kun.

Caabuqa oo bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay 2019 kasoo bilowday Wuhan oo ka tirsan Shiinaha ayaa ku faafay in ka badan boqol dal, sidda ay sheegtay Hay'adda Caafimaadka Aduunka.

Guud ahaan caalamka, tiradda geerida uu sababay waxay gaareysaa ku dhowaad shan kun oo ruux, iyaddoo la diiwaan-geliyey kiisas gaaraya 118-kun. WHO waxay xaqiijisay in Coronavirus uu yahay cudur degdeg ku faafa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lavrov: Mareykanka wuxuu u weeraray Iran iyo Venezuela si uu u xukumo tamarta adduunka

Wasiirka ayaa intaas ku daray in tallaabooyinka Mareykanka ee dalalka Iiraan iyo Venezuela ay si cad ugu xiran yihiin danaha tamarta.

  • Caalamka

    27-04-2026

  • 08:10AM

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo ka tagey Pakistan isaga oo aan la kulmin ergadii Mareykanka

“Wax walba annaga ayaa gacanta ku hayna. Way na soo wici karaan mar kasta oo ay doonaan,” ayuu raaciyay.

  • Caalamka

    25-04-2026

  • 05:35PM