Madaxweyne Trump oo ku dhawaaqaya Canshuur cusub

Image

Washington — Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Axaddii sheegay in Isniinta maanta ah uu ku dhawaaqi doono tacriif ama canshuur kordhin gaareysa 25%, taas oo uu dul saari doono biraha iyo jaandiga loo soo dhoofiyo Mareykanka.

Trump, oo saxafiyiinta kula hadlayay diyaaradda madaxweynaha Mareykanka ee Air Force One, ayaa sidoo kale sheegay inuu ku dhawaaqi doono canshuuraha isdhaafsiga Talaadada ama Arbacada, si ay u dhaqan galaan ku dhawaad isla markiiba.

Trump ayaa muddo xileedkiisii koowaad sidan oo kale 25% canshuur ah saaray biraha, halka uu 10% ku kordhiyay tacriifta jaandiga ama aluminiumta. Si kastaba ha ahaatee, markii dambe wuu ka khafiifiyay canshuurta biraha iyo aluminiumta ay soo dhoofiyaan Canada, Mexico, iyo Brazil.

Trump ayaa Jimcihii ku dhawaaqay inuu sare u qaadi doono canshuurta isdhaafsiga, taas oo kor u qaadi doonta xaddiga tacriifta Mareykanka si ay ula simmaan dhinacyada ay ganacsatada Mareykanka wax isweydaarsadaan. Todobaadkan ayaa la filayaa in arrintaasi la billaabo.

Madaxweynaha ma uusan magac-dhabin dalalka uu ku billaabi doono canshuur kordhintan.

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM