​Madaxweyne Yahye oo Gambia isaga tagay

Image

Madaxweynihii hore ee dalka Gambia Yahye Jammeh, ayaa dalkaasi isaga tagay kadib markii uu aqbalay natiijada doorashadii dhacday sannadkii  hore, waxaana wararku sheegayaan inuu aaday dhinaca dalka Genie.

Bixitaanka Jammeh, ayaa yimid kadib hishiis dhexmaray isaga iyo madaxda Galbeedka Africa kuwaasoo mas'uulka mudada dheer u talinayay Gambia ku qanciyay inuu tanaasulo oo xilka ku wareejiyo Adama Barrow.

Sida laga soo xigtay masuuliyiinta ECOWAS , Mr Jammeh waxaa uu ka degay dalka Guinea , isagoo na uga sii gudbi doona dalka Equatorial Guinea.

Yaxya Jammeh ayaa horay u diiday inuu aqbalo natiijada doorashadii dalkaasi ka dhacday bishii Diseembar ee aynu ka soo gudubnay.

Ciidammada wadammada Galbeedka Afrika ayaa hakiyay qorshohoodii milateri ee ay doonayeen inay ku farageliyaan dalkaasi.

Ciidamadaasi ayaa Khamiistii ka talaabay xuduudda Gambia, saacado yar un kaddib markii la dhaariyey madaxweynaha cusub ee Gambia Adama Barrow , Waxaana Adama Barrow lagu dhaariyey gudaha safaaradda Gambia ay ku leedahay dalka Senegal.

Tallabadan ayaa dhabada u furaysa in Barrow uu talada dalkaas qabto isagoo ahaa hogaamiyihii shacabku doorteen balse isku caleemo saaray Senegal kadib markii waddanka uu isaga baxay.

Inta badan arrintan ayaa caado ka ah dalalka Africa oo waxaa jira waddamo badan oo muddo badan taladooda qoys ama shakhsi kuwaasoo aan ogolayn in talada cid kale qabato.

Waxaa arrintaas horseeday in waddamo badan oo Carbeed balse Africa ku yaalla inay ka dhacaan rabshado sababay in hogaamiyaashooda la dilo.

GAROWENLINE

Related Articles

Iran oo diiday xabbad-joojin ku meel gaar ah

Baqaei ayaa sheegay in Tehran ay gudbisay shuruudo ku saleysan danaha qaranka iyada oo loo marayo dhexdhexaadiyeyaal.

  • Caalamka

    06-04-2026

  • 04:33PM

Giorgia Meloni iyo Amiirka Qatar oo ka wada hadlay dhibaatada ka dhalatay xirnaanshaha Hormuz

Meloni ayaa booqashadan ku tagtay Qatar maalin Sabti ah, waana joogteeda labaad ee safar ay ku mareyso gobolka oo ka bilowday Sucuudiga.

  • Caalamka

    04-04-2026

  • 06:15PM