​Madaxweynihii hore Chat oo la xukumay

Image

Maxkamad ku taalla waddanka Senegal, ayaa soo gaba gabaysay eedihii loo haystay madaxweynihii hore dalka Chat Hissene Habre, kaasoo lagu soo oogay eedo la xiriira tacaddiyo bini aadanimo oo uu gaystay waqtigii uu dalkaas xukumayay.

Habre, ayaa lagu xukumay xabsi daa'im, waxaana maxkamaddu caddaysay inay runyihiin dhammaan waxyaabaha loo haysto.

Hogaamiyihii hore Chat, ayaa lagu soo eedeeyay inuu dil, xarig iyo jirdil u gaystay dad tiradoodu gaarayso 40, 000 qof, mudadii uu dalkaasi ka talinayay 1982 ilaa 1990.

Hissene Habre, ayaan ku qancin go'aanka maxkamadda, wuxuuna gabi ahaanba diidanaa sharciyadda maxkamaddaasi u marayso xukunkiisa, balse wuxuu haystaa 15 cisho oo uu racfaan ku qaadan karo.

Qaadista kiiskan waxaa iska kaashaday xukuumadda Dakar iyo Midowga Africa, waxayna noqonaysaa markii ugu horaysay oo hogaamiye Afrikan ah lagu maxkamadeeyo dal kale oo Afrika ah.

Ninkan la maxkamadeeyay, ayaa la qabtay sannadkii 2013 isagoo qaab magangalyo ah ku joogay dalka Senegal.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ugu yaraan 39 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay koonfurta Spain

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa sheegay in dalka uu wajihi doono “habeen xanuun weyn leh”.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 11:33AM

Ra'iisul Wasaaraha UK oo ka hadlay cadaadiska canshuuraha Trump iyo mowqifka Greenland

Starmer, oo ay garab taagnaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Yvette Cooper iyo Wasiirka Maaliyadda Rachel Reeves.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 09:36AM