Madaxweynihii dalka Yemen oo is casiley

Image

January 23, 2015 (GO)- Madaxweynihii dalka Yemen Abd-Rabbu Mansour Hadi ayaa istiqaaladiisa u gudbiyey golaha Barlamanka, maalin kadib markii kooxda Houthi-yiintu la wareegeen madaxtooyada Sanca.

Iscasilaada madaxweynaha dalka Yamen ayaa timid waxyar kadib sidoo kale markii uu shaqada ka tagey Ra'isal wasaaraha dalkaas Khaled Bahah.

Hadi ayaa is casilaadiisa u sababeeyey in uu ku guul dareystey gudashada waajibaadkii qaran ee loo dhiibey, maadaama ay jiraan dhinacyo caqabad ku noqdey in dowladu horumar sameyso.

Shacabka wuxuu ka codsaday inay ka raali ahaadaan, isagoo xusay in xaaladu noqotay mid cakiran laga soo bilaabo bishii September ee sanadkii hore, markaasoo mileeshiyaadka Xuuthigu la wareegeen magaalada caasimada ah ee Sanca.

Dalka Yemen oo ay ku nool yihiin 25milyan oo qof kana mid ah dalalka ugu saboolsan Jaziirada Carabta, wuxuu ku jirey xaalad degenaansho la'aan ah, laga soo bilaabo sanadkii 2012 markaasoo kacdoon dadweyne xukunka looga tuuray madaxweynihii hore Cali Cabdallah Saalax.

Qaybo kamid ah dalka waxaa ka arimiya xilligan mileeshiyaad xagjir ah oo ka tirsal al-Qaacida, halka qaybo kale oo badanna gacanta ku hayso kooxda Xuuthiga oo iyadu ah koox Shiico ah oo la rumeysan yahay inay taageero dhaqaale iyo mid militeriba ka hesho dalka Iran. 

Warkaan oo tafatiran ka akhri halkaan

GAROWE ONLINE + AL-JAZEERA

Related Articles

Mareykanka oo Duqeeyey 140 Bartilmaameed oo ku Yaalla Iran

Dhanka kale, Iiraan ayaa la sheegay inay jawaab ahaan weerarro ku qaaday Baxrayn, Qatar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

  • Caalamka

    13-07-2026

  • 09:44AM

Iiraan oo xirtay marin-biyoodka Hormuz, weerarna ku qaadey dalalka Khaliijka 

Iiraan oo sheegtay inay gantaallo iyo diyaarado ismiidaamin ah ku weerartay Jordan, Bahrain, Kuwait, Qatar iyo Cumaan.

  • Caalamka

    12-07-2026

  • 11:16AM