Maleeshiyaadka Al- Qacida oo laga qabsadey Mukalla dalka Yemen

Image

Magaalada dekada Mukalla oo ay gacanta ku hayeen Al- Qacida muddo Hal sano ah ayaa waxaa gacanta ku dhigey gashaanbuur ka kooban ciidamada Yemen iyo Sacuudiga.

Isbaheysigaan ayaa sheegey iney weerarkaan saacadii hore ee howlgalkaan socdey ku dileen 800 oo ka tirsan xogaga Al Qacidada Yemen kuwasoo dib looga qabsadey magaalada Mukalla. 

Laakiin dadka dagan Mukalla  ayaa sheegey in dagaal yar ka dhacey magaalada iyadoo maleeshiyadka Al-Qacida isaga baxeen halkaas.

Al-Qacidada Yemen oo ka faa'ideysatey dagaalka sokeeye ee dalkaas ka socdey muddo Hal sano iyo Sadex bilood ah ayaa qabsadey magaalada Dekada ah. Dagaalka sokeeye ee Yamen ayaa waxaa ku dagaalama Houthi, ciidamada madaxweynihii hore Cali Abdalah Salah oo isku dhinac ah iyo xogaga isbaheysiga kuwasoo hogaaminayaan Sacuudiga iyo Imaraadka Carabta.

Dagaalka Yemen ayaa waxaa ku dhintey 6400 qof oo u badan dad shacab ah halka ay ku barakaceen dad gaaraya 2.8 million sida laga soo xigtey qaramada midoobey hay'ada u qaabilsan qaxootiga.

GAROWEONLINE+ WAKAALDAHA 

Related Articles

Ugu yaraan 39 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay koonfurta Spain

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa sheegay in dalka uu wajihi doono “habeen xanuun weyn leh”.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 11:33AM

Ra'iisul Wasaaraha UK oo ka hadlay cadaadiska canshuuraha Trump iyo mowqifka Greenland

Starmer, oo ay garab taagnaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Yvette Cooper iyo Wasiirka Maaliyadda Rachel Reeves.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 09:36AM