Maleeshiyaadka Al- Qacida oo laga qabsadey Mukalla dalka Yemen

Image

Magaalada dekada Mukalla oo ay gacanta ku hayeen Al- Qacida muddo Hal sano ah ayaa waxaa gacanta ku dhigey gashaanbuur ka kooban ciidamada Yemen iyo Sacuudiga.

Isbaheysigaan ayaa sheegey iney weerarkaan saacadii hore ee howlgalkaan socdey ku dileen 800 oo ka tirsan xogaga Al Qacidada Yemen kuwasoo dib looga qabsadey magaalada Mukalla. 

Laakiin dadka dagan Mukalla  ayaa sheegey in dagaal yar ka dhacey magaalada iyadoo maleeshiyadka Al-Qacida isaga baxeen halkaas.

Al-Qacidada Yemen oo ka faa'ideysatey dagaalka sokeeye ee dalkaas ka socdey muddo Hal sano iyo Sadex bilood ah ayaa qabsadey magaalada Dekada ah. Dagaalka sokeeye ee Yamen ayaa waxaa ku dagaalama Houthi, ciidamada madaxweynihii hore Cali Abdalah Salah oo isku dhinac ah iyo xogaga isbaheysiga kuwasoo hogaaminayaan Sacuudiga iyo Imaraadka Carabta.

Dagaalka Yemen ayaa waxaa ku dhintey 6400 qof oo u badan dad shacab ah halka ay ku barakaceen dad gaaraya 2.8 million sida laga soo xigtey qaramada midoobey hay'ada u qaabilsan qaxootiga.

GAROWEONLINE+ WAKAALDAHA 

Related Articles

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM

FIFA oo xaqiijisay in xulka Iran uu ka qaybgalayo Koobka Adduunka 2026

Iiraan ayaa ku jirta Guruubka G, waxayna kulammadeeda la ciyaari doontaa xulalka Belgium, Masar, iyo New Zealand.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 10:37AM