​Maraykanka: IS oo sheegatay weerarkii Orlando

Image

Ururka isku magacaabay khilaafada Islaamiga ah ee IS, ayaa sheegatay weerar lagu qaaday baar ku yaalla magaalada Orlando dalka Maraykanka, kaasoo ay ku dhinteen 50 qof islamarkaana ku dhaawacmeen ilaa 53 ruux.

Qoraal lagu daabacay baraha internet-ka kooxdaasi, ayaa lagu sheegay inay ka dambeeyeen iyagu toogashada Orlando islamarkaana uu ahaa weerar qorshaysan, waxayna ku goodiyeen inay jiraan kuwo kale oo cayn kaan ah kaasi oo ay ka fulin doonaan dalkaaasi.

Dhacadadan, ayaa si xooggan looga dareemay USA, waxaana siyaabo kala duwan uga hadlay madaxda dalkaasi, qaar kamid ah murashaxiinta u loolamaya madaxtinimada Maraykanka, siyaasiyiin iyo hogaamiyaal islaami ah.

Madaxweyne Obama oo ka hadlayay falkaasi, ayaa sheegay inuu ahaa weerar cadowtinimo kaasi oo lagu waxyeelleeyay dad aan waxba galabsan, isagoo tacsi u diray dhammaan shacab weynaha Maraykan-ka, wuxuuna tilmaamay inaysan uga hari doonin cid kasta oo ku lug yeelata.

Dhinaca kale murashaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka, wuxuu ku dhaliilay madaxda waddanka Maraykanka, isagoo sheegay inay ka gaabiyeen sugitaanka amniga islamarkaana aysan u diyaarsanayn hormar uu gaaro dalka, wuxuuna ugu baaqay inay badalaan qorshahooda shaqo.

Waa kuma Ruuxa weerarka Fuliyay?

Omar Seddique Mateen

Weerarka dhacay habeenkii Axadda xilliga Maraykanka, ayaa waxaa gaystay  29 jir u dhashay dalka Afghanistan, balse ku dhashay magaalada New Yorka, waxaana lagu magacaabi jiray Omar Seddique Mateen.

Ninkan ayaa labo jeer waxaa waraysiyo kala duwan la yeeshay FBI-da dalkaasi, kadib markii laga shakhiyay, waxaana la waraystay sannadihii 2013 iyo 2014, iyadoo markii dambe la laabay kiiskiisa isagoo lagu caddayn waayay wax dambi ah.

"Ugu dambayn, waan awoodi weynay inaan helno xaqiiqada ku saabsan tuhunka Mateen, waxayna taasi keentay inaan kiiskiisa laabno,"Ayuu yiri Ron Hopper oo ah madaxa FBI-da ee magaalada Orlando.

Arrintan ayaa kusoo beegantay xilli dagaal xooggan dalka Maraykan-ku kula jiro kooxaha argagixisada gaar ahaan kooxda Daacish.

GAROWEONLINE

Related Articles

Isbahaysiga ka dhanka ah Itoobiya oo ku shiray dalka Masar

Falanqeeyayaasha ayaa soo jeedinaya in shirkan saddex geesoodka ah uu muujinayo jawaab celin adag oo Masar.

  • Caalamka

    11-01-2025

  • 03:01PM

Lubnaan: Taliyihii Ciidanka Lubnaan Joseph Aoun oo Madaxweyne noqday

Dowladaha Sacuudiga iyo Mareykanka ayaa taageero siiyay Jeneraalka si uu ugu soo baxo doorashadda Madaxweynaha.

  • Caalamka

    09-01-2025

  • 01:39PM