Maraykanka oo duqeyn la beegsaday sarkaal ka tirsan Al-shabaab

Image

February 4, 2015 (GO)- Dowladda Maraykanka ayaa sheegatay mas'uuliyadda duqeyn Sabtidii (Jan 31, 2015) ka dhacday deegaan dhanka bariga kaga beegan degmada Diinsoor ee gobolka Bay.

Af-hayeenka Wasaarada Gaashaan-dhigga Maraykanka (Pentagon-ka) John Kirby, ayaa sheegay in weerarka oo diyaarad bilaa duuliye ahi fulisey bartilmaameedkiisu ahaa sarkaal lagu magacaabo Yuusuf Deeq oo ah madaxa sirdoonka iyo hawlgallada gudaha ee Al-shabab.

"waxan doonayaa inaan idiin sheego in Sabtidii lasoo dhaafay ciidanka khaaska ah ee Maraykanku hawlgal gaar ah ka fuliyeen koonfurta magaalada Muqdisho...hawlgalkaas waxaa lagu bartilmaameedsaday Madaxa Hawlgallada iyo Sirdoonka Gudaha ee Al-shabaab Yuusuf Deeq" John Kirby ayaa sidaas war-fidiyeenka u sheegay.

Mar wax laga weydiiyey natiijada hawlgalka wuxuu sheegay inuusan xaqiijin karin in Yuusuf Deeq la diley iyo in kale, isagoo taas sharaxayana waxaa hadaladiisii kamid ahaa:

"ma cadeyn karo natiijada weerarka balse hadiiba hawlgalkaasi guuleystey ninkaasina dhintey waa dhabar jab hor leh oo ku yimid Al-shabaab" 

Dowladda Maraykanka ayaa bilihii u dambeeyey waxay kordhisey duqeymaha diyaaradaheeda bilaa duuliyaha ahi ka geysanayaan koonfurta Soomaaliya ee lagu bartilmaameedsanayo madaxda sare ee kooxda Al-shabaab.

September 1, 2014 duqeyn Maraykanku ka geystey deegaanka Haawaay oo ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose, waxaa lagu diley hoggaamiyihii hore ee Al-shabab Axmed Cabdi Godane.

December 29, 2014 duqeyn kale oo diyaaradaha Maraykanku ka fuliyeen deegaanka Saakow ee gobolka Jubada Dhexe, waxaa lagu diley labo sarkaal oo ka tirsanaa hoggaanka ururka Al-shabaab. Labada nin midkood waxaa lagu magacaabi jirey Cabdinaasir Xasan Barakow Tahliil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Duqeeyey 140 Bartilmaameed oo ku Yaalla Iran

Dhanka kale, Iiraan ayaa la sheegay inay jawaab ahaan weerarro ku qaaday Baxrayn, Qatar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

  • Caalamka

    13-07-2026

  • 09:44AM

Iiraan oo xirtay marin-biyoodka Hormuz, weerarna ku qaadey dalalka Khaliijka 

Iiraan oo sheegtay inay gantaallo iyo diyaarado ismiidaamin ah ku weerartay Jordan, Bahrain, Kuwait, Qatar iyo Cumaan.

  • Caalamka

    12-07-2026

  • 11:16AM