Maraykanka oo duqeyn la beegsaday sarkaal ka tirsan Al-shabaab

Image

February 4, 2015 (GO)- Dowladda Maraykanka ayaa sheegatay mas'uuliyadda duqeyn Sabtidii (Jan 31, 2015) ka dhacday deegaan dhanka bariga kaga beegan degmada Diinsoor ee gobolka Bay.

Af-hayeenka Wasaarada Gaashaan-dhigga Maraykanka (Pentagon-ka) John Kirby, ayaa sheegay in weerarka oo diyaarad bilaa duuliye ahi fulisey bartilmaameedkiisu ahaa sarkaal lagu magacaabo Yuusuf Deeq oo ah madaxa sirdoonka iyo hawlgallada gudaha ee Al-shabab.

"waxan doonayaa inaan idiin sheego in Sabtidii lasoo dhaafay ciidanka khaaska ah ee Maraykanku hawlgal gaar ah ka fuliyeen koonfurta magaalada Muqdisho...hawlgalkaas waxaa lagu bartilmaameedsaday Madaxa Hawlgallada iyo Sirdoonka Gudaha ee Al-shabaab Yuusuf Deeq" John Kirby ayaa sidaas war-fidiyeenka u sheegay.

Mar wax laga weydiiyey natiijada hawlgalka wuxuu sheegay inuusan xaqiijin karin in Yuusuf Deeq la diley iyo in kale, isagoo taas sharaxayana waxaa hadaladiisii kamid ahaa:

"ma cadeyn karo natiijada weerarka balse hadiiba hawlgalkaasi guuleystey ninkaasina dhintey waa dhabar jab hor leh oo ku yimid Al-shabaab" 

Dowladda Maraykanka ayaa bilihii u dambeeyey waxay kordhisey duqeymaha diyaaradaheeda bilaa duuliyaha ahi ka geysanayaan koonfurta Soomaaliya ee lagu bartilmaameedsanayo madaxda sare ee kooxda Al-shabaab.

September 1, 2014 duqeyn Maraykanku ka geystey deegaanka Haawaay oo ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose, waxaa lagu diley hoggaamiyihii hore ee Al-shabab Axmed Cabdi Godane.

December 29, 2014 duqeyn kale oo diyaaradaha Maraykanku ka fuliyeen deegaanka Saakow ee gobolka Jubada Dhexe, waxaa lagu diley labo sarkaal oo ka tirsanaa hoggaanka ururka Al-shabaab. Labada nin midkood waxaa lagu magacaabi jirey Cabdinaasir Xasan Barakow Tahliil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo Ka Qabsaday Markab Xeebaha Dalka Venezuela

Warbaahinta caalamiga ah ee Reuters iyo Bloomberg ayaa lagu soo warramay…

  • Caalamka

    10-12-2025

  • 09:16PM

Thailand Oo Duqeyn Ka Fulisay Xuduuda Ay La Wadaagto Cambodia

Wasiirka Warfaafinta Cambodia, Neth Pheaktra, ayaa sheegay in dadka ku nool dhowr tuulo oo xuduuda u dhow la daad gureeyay.

  • Caalamka

    08-12-2025

  • 08:03AM