Maraykanka oo is hortaagey qaraarkii madaxbanaanida Palestine

Image

December 31, 2014 (GO)- Waxaa guul daraystey qaraar qabyo ahaa oo shalay oo Talaado ahayd la hor geeyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kaasoo la doonayey in Palestine loogu aqoonsado dal madax bananaan.

Qaraarka oo dowlada Jordan soo gudbisey waxaa si loo dhaqan geliyo shardi ahayd inuu helo codadka sagaal kamid ah 15ka xubnood ee Golaha Ammaanka iyo inuusan diidin mid kamid ah shanta dal ee leh awoodda diidmada qayaxan.

Dowlada Maraykanka ayaa qaraarkaas is hor taagtey kadib markay adeegsatey codka diidmada qayaxan ee Veto-ga, waxase ogolaaday siddeed dal oo ay ku jiraan China, France iyo iyo Russia oo saddexdeeduba kamid ah shanta xubnood ee joogtada ah.

Danjiraha Maraykanka ee Qaramada Midoobay, haweeneyda lagu magacaabo Samantha Power oo sababta go'aankaas isaga ah Maraykanku u qaatay faah faahin ka bixisay, waxay sheegtay in qaraarku ahaa mid aan dhex dhexaad ahayn oo dhinac u xaglinaya.

Qaraarkan ayaa hadii la ogolaado wuxuu Israel ku khabsi lahaa inay ciidamadeeda labo sano gudahood kagala baxdo Daanta Galbeed islamarkaana sii deyso dhammaan maxaabiista sidoo kale wuxuu qaraarkaasi dhigayey in bariga magaalada Jerusalem (Qudus) noqoto caasimada dalka Palestine.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erdogan oo Dib u Dhigay Booqasho uu ku tagi lahaa Imaaraadka Carabta

Dowladda Imaaraadka illaa hadda kama hadlin wararka ku saabsan xanuunka Madaxweynaha, oo warbaahinta caalamka waa ka qoreen.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 08:04PM

Obama: Muuqaalka cunsuriyad ah wuxuu muujinayaa "Xishood la'aanta Trump"

Obama ayaa arrimahan kaga hadlay wareysi uu siiyay Brian Tyler Cohen oo caan ku ah barnaamijyada Podcast-yada.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 09:24AM