​Maraykanka oo mar kale muwaadiniintiisa uga digay Somalia

Image

War qoraal ah oo kasoo baxay waaxda arrimaha dibadda Maraykanka, ayaa lagu sheegay in muwaadiniinta dalkaasi aysan u safrin Somalia, iyadoo laga cabsi qabo weerarada kooxda Al Shabaab.

Meelaha sida khaaska ah farta loogu fiiqay ayaa ah Puntland iyo Somaliland, waxaana la sheegay in kooxdu tahay mid weli khatar ku ah gobolka islamarkaana xilli kasta halis galin karta muwadiniinteeda.

Waxaa sidoo la sheegay in waddanka Somalia uusan yahay mid aan daganayn oo xaaladdiisa ammaan halis ku jirto.

Qoraalkan, ayaa daba socda mid soo baxay bishii October ee Sannadkii hore.

Waxaase ugub in la farmuuqo meelaha ugu ammaansan dalka Somalia, iyadoo aan la shaacin xogta rasmiga ah ka dambaysa, balse waxaa xaqiiqo ah in la shaaciyay in kooxda Shabaab weeraro cusub qorshaynayso.

Horay kooxdan ayaa  u gaysato weeraro halis ah, waxay sidoo kale bartilmaameed ku dileen mas'uuliyiin iyo shacab badan, waxayna inta badan weeraradooda xoojiyaan xilli Ramadaanka oo waxyar inaga xigto.

Ilaa hadda kama aysan hadlin dowaladda Somalia iyo maamullada laga digay.

GAROWEONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM