Maraykanka oo Zelensky u sheegay in Ruushka "dili doonaan"

Image
Digniintan ayaa dhacday bil ka hor intii aysan Moscow aysan ku duulin waddanka Ukraine.

WASHINGTON, USA - Agaasimaha CIA-da ayaa la sheegay in uu madaxweynaha Ukraine ugu tagay hoygiisa bishii Janaayo 2022-ka, kuna wargaliyay in Ruushka qorsheynayaan in ay dilaan.

Arrintan ayaa dhacday bil ka hor intii aysan Ruushka ku duulin dalkaasi. Warbaahinta reer galbeedka ayaa si weyn tabisay maalmihii ugu horeeyay duulaankaas iyaga oo ku sifeeyay "xadgudub".

Balse Vladamir Zelensky ayaa xogtaasi aad ula yaabay, isaga oo xitaa mar sheegay in digniinaha Maraykanka ee duulaanka Ruushka ay dhibaato dhaqaale u keenayaan dalkiisa, Maraykankana tahay in uu joojiyo.

Sida lagu faahfaahinayo buug dhowaanta daaha laga rogi doono oo cutubyo ka tirsan ay saxaafadda Maraykanka aragtay, ayaa lagu sheegay in agaasimaha CIA-da Bill Burns uu si shaqsiyan hoygiisa ugu tagay madaxweynaha Ukraine.

Burns ayaa u sheegay in unugyo Ruushka ka tirsan loosoo direy, qorshuhuna yahay in ay khaarijiyaan, digniintaasi oo uu aad u dhaliishaday Zelensky, sidda buugga ku cad.

Markii Ruushka dagaalkii ugu weynaa Yurub ku qaaday kadib dagaalkii labaad ee adduunka, saraakiisha Ukraine waxa ay sheegeen in madaxweynahooda uu dhawr jeer ka badbaaday isku day dil.

Agaasimaha CIA-da ayaa la sheegey in sidoo kale Zelensky uu la wadaagay shaxda duulaanka Ruushka, isaga oo dhalo uga shiday muuqaal naqshadeed oo muujinaya in ciidamada Ruushka ay ka dhul bilaabi doonaan garoonka Antonov ee caasimadda, halkaasna ka maamuli doonaan duulaanka oo dhan, gaar ahaan kan ay Kiev kula wareegayaan.

Maraykanka ayaa si weyn isu barbar taagay Ukraine, isaga oo siiyay balaayiin doolar oo gargaar ciidan ah, qalab, iyo hub casri ah oo Kyiv u suurtogaliyay in illaa xad ay iska caabiso Moscow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xuutiyiinta Oo Afar Maalin u qabtay Israa’iil Inay Gargaarka Bani’aadamnimada u Fasaxdo Gaza

Talaadadii, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in Xuutiyiinta loo aqoonsaday "Urur Argagixiso Ajaanib ah."

  • Caalamka

    08-03-2025

  • 07:48AM

Trump oo joojiyey $400 milyan oo deeq ah loo siin jiray Jaamacadda Columbia

Jaamacadda Columbia ayaa sanadkii hore noqotay xarun ay ka socdaan dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeeday dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    08-03-2025

  • 05:35AM