​Maraykanka: Toogasho ka dhacday nawaaxiga Aqalka Cad

Image

WASHINGTON- Rasaas goos goos ah ayaa caawa laga maqlay nawaaxiga Aqalka Cad ee looga taliyo dalka Maraykanka sida ay xaqiijiyeen Boliiska waddankaas oo tilmaamay inay u dhaxaysa ilaalada xaruntaas iyo qof hubaysnaa.

Xabadahaasi ayaa lagusoo waramayaa inay ka dhaceen galbeedka Aqalkaas.

Booliska ayaa u sheegay taleefishinka ABC News in mid ka mid ah ilaalada madaxtooyada uu nin hubaysan ku toogtay bar koontorool oo u dhaw dhismaha.

Arrintaasi ayaa kilftay in albaabada loo laabo Aqalka Cad, taasi oo ilaa hadda faah faahin dheer laga bixin balse loo malaynayo inay loo xiray xaalad amni.

Madaxweyne Barack Obama ayaa ka maqan Aqalka Cad oo ciyaarta golf-ka loo yaqaan ayuu ku dheelayaa deegaanka Maryland.

Rasaasta ayaa hadda istaagtay, waxaana socda baaritaano ku aadan qofka la toogtay iyadoo ammaanka xarunta aad loo adkeeyay

GAROWEONLINE

Related Articles

Ugu yaraan 39 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay koonfurta Spain

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa sheegay in dalka uu wajihi doono “habeen xanuun weyn leh”.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 11:33AM

Ra'iisul Wasaaraha UK oo ka hadlay cadaadiska canshuuraha Trump iyo mowqifka Greenland

Starmer, oo ay garab taagnaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Yvette Cooper iyo Wasiirka Maaliyadda Rachel Reeves.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 09:36AM