Mareykanka: In ka badan 50 meyd ah oo laga helay gaari xamuul ah

Image
Saraakiisha ayaa baaraya sababta dhabta ah ee ka dambeysa dhacdadan aadka loo hadal-hayo.

WASHINGTON, USA - Ugu yaraan 46 qof ayaa meydkooda laga helay gudaha gaari xamuul ah ahmagaalada San Antonio ee gobolka Texas ee dalka Mareykanka, sida ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah ee Ameerika.

Sida laga soo xigtey falanqeynta saraakiisha amniga ee horudhac ah, dhacdadan ayaa waxay u muuqataa isku day tahriibin ah shaqsiyaad doonayay in ay Mareykanka kasoo galaan dhanka Mexico.

Madaxa Dab-damiska San Antonio, Charles Hood ayaa sheegay in 16 qof oo kale oo la helay Isniintii loo qaaday cisbitaalka si loo hubiyo sababaha keenay in ay geeriyoodaan.

Afar caruur ah ayaa kamid ah dadkan. "Bukaannada aan aragnay waxay ahaayeen kuwo aad u kulul. Waxay la ildaranayeen kuleyl iyo daal. Ma jirin wax calaamado ah oo biyo ah oo gaadhiga saarnaa,” ayuu yiri.

Madaxa booliiska, William McManus, ayaa sheegay in shaqaale magaalada ka tirsan oo goobta joogay uu qof oynayey ku wargeliyey xaaladda wax yar ka hor 6pm Isniinta (23:00 GMT).

Saraakiisha ayaa, sidda uu hadalka u dhigay, si degdeg ah u yimid goobta si ay u helaan meyd dhulka ka baxsan tareel iyo albaab qayb ka mid ah oo laga furay tareenka.

Toban muhaajiriin ah ayaa ku dhintay 2017 ka dib markii ay ku xayiran yihiin gaari xamuul ah oo la soo dhigay Walmart ee San Antonio, halka 2003, 19 muhaajiriin ah laga helay baabuur qiiqaya koonfur bari ee magaalada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo joojiyey gargaar cunto oo nafbadbaadin u ahaa malaayiin carruur ah

Cilmibaareyaal caafimaad iyo ururo samafal ayaa uga digay Dowladda…

  • Caalamka

    18-04-2025

  • 06:35AM

Trump oo Xiraya 10 Safaaradood iyo 17 Qunsuliyad, si u dhimo Miisaaniyada Dibadda

Qunsuliyadaha la soo jeediyay in la xiro ayaa inta badan ku yaal Yurub, kuwaasoo ay ku jiraan goobo dalxiis oo ay jecel yihiin Mareykanka.

  • Caalamka

    16-04-2025

  • 09:31AM