Mareykanka: Iskuul laga Soomay si loo taageero Muslimiinta

Image
Dad aan Muslimiin ahayn ayaa kamid ah shaqsiyaadka soomay si ay midnimo ugu muujiyaan saaxiibadooda Muslimka ah.

WASHINGTON, USA – Boqolaal arday oo aan Muslim ahayn iyo shaqaalaha dugsiga Maine East High School oo ku yaalla magaalada Maine, Illinois ee dalka Maraykanka ayaa hal maalin u soomay sidii ay u garab istaagi lahaayeen asaagooda Muslimiinta ah, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha ee Maraykanka iyo tan caalamiga ah.

Ardeydu waxay Arbacadii ka qayb-qaateen dhacdadii ugu horreysay ee bisha Ramadaan ee taariikhda dugsiga dadaalka ay ku muujinayaan kala duwanaanshaha iyo ka-qaybgalka, iyagoo ku tilmaamay munaasabadda mid Allah loogu noqonay noloshana lala qaybsanayo dadka Muslimiinta ah sida ay sheegtay CBS News Chicago.

 "Waxaan arkaa iyada oo samaynaysa maalin kasta, waxaanan u malaynayaa in ay aad u fiican tahay sida ay jeceshahay - dhinaca is-edbinta," ayay tiri Haley Good oo ka tirsan dugsiga sare.

Muslimiinta awood u leh waxaa ku waajib ah in ay ka fogaadaan cuntada, Cabitaanka iyo sigaarka inta lagu jiro maalinnimada bisha Ramadaan.

Waleed Atawneh, oo ah kafaala qaadaha Ururka Ardayda Muslimiinta ah ee Dugsiga Sare ee East Maine, ayaa yiri, "Waxaad isu keentaan dhammaan ardayda aad isku fasalka tihiin iyo qoyskaaga, waxaan filayaa in arrinkaas uu soo saarayo niyadda Ramadaan."

Julia Jaroslawski oo ka mid ah ardaydii u soomantay isku-duubnida ardayda walaalaheed ah ee muslimiinta ah ayaa sheegtay in soonku uu yahay cashar adag oo ku saabsan is-edbinta, isla markaana saaxiibadeed Muslimiintu ay ku dhiirigeliyaan inay si fiican u fahamto dhaqamada kala duwan iyo naf huridda. "Waxaan garwaaqsaday inta jeer ee aan ka fikiro cuntada iyo biyaha," ayuu yiri Jaroslawski. "Waxa aan gartay in intii aan ka fikiri lahaa waxa aan cuni doono mustaqbalka, in aan diiradda saaro waxa aan hadda samaynayo," ayay raacisay.

Monisa Yusra, oo ah ardayad Muslimad ah oo dhigata dugsiga sare, ayaa aad uga mahad celisay muujinta midnimada sida ay u sheegtay warbaahinta CBS, "Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay inay tijaabiyeen."

Rayhan Khaja, oo ah arday iyo gudoomiyaha ururka ardayda muslimiinta ah ee dugsiga ayaa yiri, "In qof lala hadlo si la mid ah oo la sheekaysto runtii waa muhiim, waad ogtahay, waxaana filayaa inay taasi tahay tallaabo wayn oo loo qaaday ka mid noqoshada," ayuu u sheegay CBS.

"Waxay la mid tahay indho-furid Waxaad nolosha ka arki kartaa dhinac kale," ayuu raaciyay. Soonka ayaa ku soo dhamaaday munaasibad balaaran oo dugsiga lagu qabtay.

In ka badan 200 oo arday ayaa ka qaybqaatay soonka wadajirka ah Arbacadii iyadoo Ramadaanku ay ku maanta oo Axad ah. Maalinta ku xigta ee isniinta ayaa lagu wadaa in la la ciido Ciidul Fidriga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo raadinayaa siyaabo uu ugu badbaadiyo TikTok in laga mamnuuco Mareykanka

Jimcihii waxay sheegeen, in calaamad madoow ay u soo bixi doonto dadka adeegsado ee cinwaannada ku leh TikTok ee gudaha Mareykanka.

  • Caalamka

    19-01-2025

  • 05:26AM

Furriin Soo Socda? Sababta Loo Hadal Hayo Obama iyo Michelle Maalmaha

Arrimahaasi waxaa sii kordhiyey maqnaanshaha Michelle Obama ee dhacdooyin waaweyn oo dhawaanahan dhacay.

  • Caalamka

    16-01-2025

  • 05:03PM