Mareykanka iyo Turkiga oo qarka u saaran inuu dagaal ku dhex maro Syria

Image

Wasiirka arrimaha dibedda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa ka digay hakad ku yimaada xiriirka Maraykanka iyo Turkiga waa haddii uu Maraylkanka joojiyo hubka uu ka iibiyo Turkiga.

Sharci yaqaanada ayaa ka walaacsan suurta galinmada ah in uu gudaha suuriya dagaal ku dhex maro labada dal sababtoo ah Mareykanka waxa uu taageero siiyaa xoogagga Kurdiyinta halka Turkigana uu u aqoonsanyahay in ay yihiin arggagixiso.

Aqalka looga arrimiyo Mareykanaka ayaanan si fudud u ogolaan doonin in Turkiga laga iibiiyo hub kala duwan oo uu dalbaday.

Mevlut Cavusoglu ayaa telefishinka qaranka ee Turikiga u sheegay in aysan ku habooneyn inay isbaheysi lasii ahaato ururka NATO.

Turkiga ayaa Mareykanka ka doonayo in uu ciidamdiisa ku sugan magaalada Manbij uu kala baxo si ay u weeraraan dagaalyanada kurdiyiinta.

Balse xubnaha labada aqal ee Mareykanka ayaa walaacsan tan iyo markii waardiyaha qaaska ah ee madaxweyne Recep Tayyip ay ku dibedbaxaayaal ku garaaceen magaalada Washington sanad ka hor.

Dhacdadaasi ayaa Mareykanka ku dhiira galisay in ay hakiyaan hubka uu Turkiga ka dalbaday.

Related Articles

Trump oo Diiday Ballaarinta Gacan-ku-haynta Israa’iil ee Dhulka Falastiin

Sarkaalkaasi wuxuu sheegay in xasilloonida Daanta Galbeed ay muhiim u tahay amniga…

  • Caalamka

    10-02-2026

  • 07:38AM

Al-Siisi oo u safraya Imaaraadka kadib wadahadallo uu la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh

Soomaaliya ayaa dhowaan hakisay heshiisyadii amniga, difaaca iyo dekedaha ee ay la lahayd Imaaraadka Carabta.

  • Caalamka

    09-02-2026

  • 07:35AM