Mareykanka oo askar looga dilay qarax ka dhacay Afghanistan

Image

KABUL, US – Saddex askari oo Ameerikaan ah iyo qandaraasle ayaa lagu dilay qarax miino oo lagu weeraray xerada ugu wayn ee ciidamada Mareykanka ee ku taala meel ku dhow caasimada Afghanistan ee Kabul.

Milatariga Mareykanka ayaa si lamid ah xaqiijiyay in weerarkaasi looga dhaawacay saddex kale, kuwaasi oo xaaladooda waqti xaadirkaan lagula tacaalayo isbitaal ku dhex-yaala gudaha saldhigaasi.

Taliban oo ka fal-celisay falkaasi ayaa dusha saartay mas'uuliyada dhacdadaasi oo ay ku tilmaamtay in uu ahaa weerar is-miidaamin oo gaari loo adeegsaday.

Kooxda oo fahfaahin ka bixineysa qaabka uu u dhacay weerarka ayaa sheegtay in is-miidaamiyaha uu ku qarxiyay gaariga uu watay meel ku dhow xeradaasi oo ku taala gobolka Parwan.

Bishii hore ayay ahayd markii askari Mareykan ah lagu dilay dalkaasi isaga oo howlgal ku jira. Weerarkii Isniinta ayaa noqonaya mid kamida kuwii ugu khasaaraha badnaa taariikhda.

Madaxwayne Ashraf Ghani, oo ka hadlay shirka dhaqaalaha aduunka bishii Janaayo, ayaa sheegay in 45-kun askar laga dilay wadankaasi tan iyo markii uu xafiiska yimid sanadkii 2014-kii.

Sidda laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah, Mareykanka waxaa kaga sugan Afghanistan wadar ahaan askar tiradoodu ay gaareyso 14-kun oo ka caawiya dowlada dagaalka kooxaha argagixisada ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Heshiiska Is-afgaradka Mareykanka iyo Iiraan: Maxaa ku jira, maxaase weli mugdi ku jira?

Heshiiskan oo ka kooban 14 qodob, isla markaana aan aad u dheereyn, ayaa diiradda…

  • Caalamka

    18-06-2026

  • 12:48AM

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM