Mareykanka oo ciidan geynaya Ciraaq

Image

Aqalka cad ee Mareykanka ayaa sheegay in ciidankan ay ku biiri doona 3,100 askari oo Mareykan ah oo ku sugan dalka Ciraaq kuwaasoo tababarro siiya ciidanka dalka Ciraaq.

Ra’iisul wasaaraha Ciraaq Haydar Al-Cabbaadi ayaa horay Mareykanka u weydiistay ciidan Mareykanka ah oo dheeraad ah la geeyo Ciraaq, iyadoo sidoo kale tallaaban ay wasaaradda gaashaandhigga Mareykanku talo ahaan ku soo jeedisay in ciidankaasi la geeyo Ciraaq.

Ciidankan ayuu qorshuhu yahay in la geeyo xerada milatariga ee Taqaadum oo ku taalla gobolka Anbar oo horay u ahayd saldhig uu Mareykanku ka hoggaamin jiray hawlgallada milatariga ee Ciraaq.

Madaxweyne Obama ayaa horay u qiray, billowgii toddobaadkan in weli isbahaysiga uu hoggaaminayo Mareykanku uusan haysan istaraatiijiyo dhammaystiran oo lagula dagaallami karo ururka Daacish.

Obama ayaa sheegay in la dardar gelin doono tababarka iyo qalabka la siinayo ciidanka Ciraaq.

Mareykanka ayaa sidoo kale ka fikiraya in isbahaysiga uu hoggaaminayo uu ku soo daro qabaa'illada Sunniyiinta, kuna soo biiraan dowladda si la iskaga kaashado in ururka Daacish laga sifeeyo dalka Ciraaq.

Xigasho: VOA

Related Articles

Ciidamada ICE oo in ka badan 400 qof ku qabtay gobolka Minnesota

Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota, oo ah tan ugu badan ee qowmiyad dibadda ka soo jeeda gudaha gobolka.

  • Caalamka

    15-12-2025

  • 11:26AM

Maraykanka oo Ka Qabsaday Markab Xeebaha Dalka Venezuela

Warbaahinta caalamiga ah ee Reuters iyo Bloomberg ayaa lagu soo warramay…

  • Caalamka

    10-12-2025

  • 09:16PM