Mareykanka oo cunaqabateyn horleh kusoo rogay dalka Iiraan

Image
Xoghayaha arrimaha dibadda Ameerika, Antony Blinken, ayaa shaaciyey xayiraadan cusub.

TEHRAN, Iiraan - Mareykanka ayaa Jimcihii ku dhawaaqay wareeg cusub oo cunaqabateyn ah oo lagu soo rogayo Iran, sababo la xiriira sahayda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay siisey Ruushka si ay ugu dagaallamaan Ukraine.

"Taageerada militari ee taliska Iran uu siiyo Ruushka kaliya ma aha in ay sii huriso colaada Ukraine balse waxa ay keentay in lagu xadgudbo qaraarka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2231," ayuu xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken ku yiri hadal uu soo saaray.

Wuxuu raaciyey: "Iraan hadda waxa ay noqotay taageeraha ugu sarreeya ee militariga Ruushka, Iran waa in ay joojisaa taageerada ay siiso Ruushka dagaalka gardarada ah ee aan loo meel dayin ee Ukraine".

"Waxaana sii wadi doonaa isticmaalka qalab kasta oo aan awoodno si aan u carqaladeyno oo aan dib u dhigno wareejintaas iyo kharashaadka lagu soo rogo jilayaasha ku hawlan hawshan," ayuu ku daray.

Mawjadda cusub ee cunaqabataynta ayaa lagu bartilmaameedsaday toddoba qof oo xilal hoggaamineed ka haya shirkadda Qods Aviation Industries (QAI).

Qods Aviation Industries (QAI) waa shirkad soo saarta qalabka difaaca Iran oo masuul ka ah naqshadaynta iyo soo saarista diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo Ururka Warshadaha Aerospace ee Iran (AIO), ururka ugu weyn ee masuulka ka ah kormeerka Iran barnaamijyada gantaalaha ballistic-ga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo la filayo inay ka hesho Shiinaha gantaallo lagu soo rido diyaaradaha

Haddii heshiiskan la fuliyo, wuxuu muujinayaa inuu sii xoogeysanayo iskaashiga militari ee u dhexeeya Shiinaha iyo Iran.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 10:35AM

Mareykanka iyo Sacuudiga oo Weerar ku qaaday Kooxo Iran Taageerto oo ku sugan Ciraaq

Kooxda Ciidamada Abaabulka Shacabka (PMF) ee Ciraaq, oo xiriir dhow la leh Iran, ayaa sheegtay in ugu yaraan 20 dagaalyahan lagu dilay.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 09:40AM