Mareykanka oo cunaqabateyn horleh kusoo rogay dalka Iiraan

Image
Xoghayaha arrimaha dibadda Ameerika, Antony Blinken, ayaa shaaciyey xayiraadan cusub.

TEHRAN, Iiraan - Mareykanka ayaa Jimcihii ku dhawaaqay wareeg cusub oo cunaqabateyn ah oo lagu soo rogayo Iran, sababo la xiriira sahayda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay siisey Ruushka si ay ugu dagaallamaan Ukraine.

"Taageerada militari ee taliska Iran uu siiyo Ruushka kaliya ma aha in ay sii huriso colaada Ukraine balse waxa ay keentay in lagu xadgudbo qaraarka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2231," ayuu xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken ku yiri hadal uu soo saaray.

Wuxuu raaciyey: "Iraan hadda waxa ay noqotay taageeraha ugu sarreeya ee militariga Ruushka, Iran waa in ay joojisaa taageerada ay siiso Ruushka dagaalka gardarada ah ee aan loo meel dayin ee Ukraine".

"Waxaana sii wadi doonaa isticmaalka qalab kasta oo aan awoodno si aan u carqaladeyno oo aan dib u dhigno wareejintaas iyo kharashaadka lagu soo rogo jilayaasha ku hawlan hawshan," ayuu ku daray.

Mawjadda cusub ee cunaqabataynta ayaa lagu bartilmaameedsaday toddoba qof oo xilal hoggaamineed ka haya shirkadda Qods Aviation Industries (QAI).

Qods Aviation Industries (QAI) waa shirkad soo saarta qalabka difaaca Iran oo masuul ka ah naqshadaynta iyo soo saarista diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo Ururka Warshadaha Aerospace ee Iran (AIO), ururka ugu weyn ee masuulka ka ah kormeerka Iran barnaamijyada gantaalaha ballistic-ga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Weerarkii Mareykanka ee Iran waxuu la mid ahaa duqeyntii Hiroshima iyo Nagasaki

Diblomaasiyiin badan iyo falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa sheegay in isbarbardhigga Trump u sameeyay Hiroshima.

  • Caalamka

    25-06-2025

  • 11:23AM

Trump: “Iran iyo Israel way jebiyeen Xabad-joojintii”

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu rajeynayay in xabbad-joojin la ilaaliyo, isagoo tilmaamay in Iran ay sameysay waxyaabo khaldan.

  • Caalamka

    24-06-2025

  • 11:15AM