Mareykanka oo dacwad kusoo oogay aas-aasaha Wikileaks

Image

LONDON, United Kingdom – Dowladda Mareykanka ayaa dacwad kusoo oogtay aas-aasaha shabakada siraha kashifta ee Wikileaks, kaasi oo maanta oo Khamiis ah lagu xiray London.

Booliska caasimada Ingiriiska ayaa suxufigaan dhowrka jeer ku guuleystay abaalmarinta wariyaha aduunka fiican kasoo xiray safaarada wadanka Ecuador ku leeyahay magaaladaasi.

Xukuumada Washington ayaa ku eedaysay Julian Assange in ay jabsaday Computer-rada wasaarada difaaca dalkaasi uuna kala baxay xogo sir ah oo uu lahaa ciidanka milatariga.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Mareykanka ayaa tilmaamay in Assange uu "xaday" sirahaasi milatari kadib shirqool uu u degay Chelsea Manning.

Chelsea Manning, haweenay kamid ahayd ciidamada Mareykanka, ayaa sanadkii 2013-kii loogu xukumay 35-sano oo xabi ah, basaasnimo iyo tuugnimo.

Julian Assange oo isla maanta kasoo muuqday maxkamad degmada Westminster ee London ayaa gaashaanka ku dhuftay eedaha loosoo jeediyay oo ay kamid tahay in diiday damaanad uu isku soo dhiibo.

Maxkamadeynta Julian Assange ayaa la filayaa in ay sii socoto, iyadda oo Booliska uu xaqiijiyay in xariga wariyahaan ay timid kadib codsi kaga yimid dowladda Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Heshiiska Is-afgaradka Mareykanka iyo Iiraan: Maxaa ku jira, maxaase weli mugdi ku jira?

Heshiiskan oo ka kooban 14 qodob, isla markaana aan aad u dheereyn, ayaa diiradda…

  • Caalamka

    18-06-2026

  • 12:48AM

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM