Mareykanka oo fariin hanjabaad ah usoo diray Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - War-qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Howlgalka Mareykanka ee Qaaradda Afrika [AFRICOM]. ayaa waxaa si kulul loogu cambaareeyay weerarkii shalay ka dhacay baraha Kontarool ee ku dhaw Madaxtooyadda Soomaaliya.

Waxaa lagu sheegay War-saxaafadeedka in Mareykanku uga tacsiyadeynayo Shacabka iyo dowladda Soomaaliya dadkii ku dhintay, islamarkaana soo kabasho deg deg u rajeynayo kuwa dhaawaca ah.

"Mareykanku wuxuu si xoogan u cambaareeynayaa falkii argigixisimadda ahaa ee Sabtidii [14-ka July] ka dhacay Muqdisho, kaasoo qeyb ka ah falalka guracan ee kooxda Al-Shabaab," ayaa lagu yiri bayaanka AFRICOM.

Mareykanku wuxuu u balanqaaday dowladda Federaalka Soomaaliya inuu ka taageeri doono la dagaalanka "Argigixisadda" islmaarkaana ay mar walba la garab taagan yihiin kaalmo dhinac walba.

"Mareykanka oo kaashanaya ciidamadda Soomaalidda waxay jawaab cad ay ka bixin doonaan weerarkaan, inagoo Jug culus gaarsiin doona kooxda cadowg ah," ayuu hogaanka AFRICOM ku yiri qoraalka.

Weerarkii Sabtidii oo ku bilowdo qaraxyo culus, ayna xigtay iska hor-imaad toos ah, ayaa waxaa la sheegay inay ku dhinteen ugu yaraan 10 qof, oo ay ku jiraan kuwa weerarka soo qaaday, waxaana ku dhaawacmay tiro intaasi ka badan.

Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas'uuliyadda weerarka, waxayna daboolka ka qaaday inay beegsatay Hotel SYL iyo Kontaroolo laga galo xarunta Villa Soomaaliya, ayna baxsadeen ragii u fuliyay howlgalkaan iyagoo nool.

Laakiin, sawirro lagu faa-fiyay baraha Bulshadda [Social media] ayaa waxaa lagu soo bandhigay rag oo ku lebisan dharka ciidamadda Xasilinta, kuwaasoo gaarayay illaa iyo Saddex, kuwaasoo la sheegeyna inay toogteen ciidamadda dowladda.

Weeraradaan ayaa waxay dhacayaan iyadoo dowladdu si wayn u adkeysan amaanka caasimadda, islamarkaana inta badan Isgoysyadda ay ku sugan yihiin ciidamo, taasoo su'aalo culus dadku iska weydiinayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo kordhiyey joogitaankiisa ciidan ee Bariga Dhexe, iyadoo cadaadis lagu saarayo Iran

Warqad ay Iran u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayay ku sheegtay inaysan…

  • Caalamka

    20-02-2026

  • 11:40AM

Trump oo Shirkii ugu horreeyay ee “Board of Peace” ku qabtay Washington 

Trump ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha guddiga ay ballanqaadeen $7 bilyan oo loogu talagalay dib-u-dhiska Gaza.

  • Caalamka

    19-02-2026

  • 08:30PM