Mareykanka oo halis cusub oo soo wajahday iyo ciidamo la dhigay xadka

Image

WASHINGTON - Ciidamadan shanta kun ka badan ayaa ku biiraya 2,100 askari oo ka tirsan ilaalada qaranka oo hadda ku sugan soohdinta, kuwaasoo halkaa la geeyay ka dib markii uu amar ku bixiyay madaxweyne Trump bishii April.

Labada xisbi ee ugu weyn Maraykanka ayaa lagu eedeeyay inay ujeedooyin siyaasadeed ka leeyihiin arinta muhaajiriinta oo ay doonayaan inay kaga faa'iideystaay doorashooyinka todobaadka dambe dhacaya ee ay ugu tartamayaan aqlabiyadda Congress-ka.

Muhaajiriintan ka soo hayaamay dalalka ku yaal bartamaha Amerika ayaa qiyaastii 1,600km u jira soohdinta uu Maraykanka la leeyahay Mexico.

Taliyaha ciidamada ilaalada xuduudaha ee Maraykanka, Kevin McAleenan ayaa sheegay inay culays badan kala kulmayaan arinta muhaajiriinta, isla markaana ay xoogga saarayaan xaqiijinta ammaanka xuduudahooda.

Ma aha markii ugu horreysay ee uu madaxweyne Maraykan ah ciidamo badan ku daabulo soohdinta uu dalkiisa la leeyahay Mexico.

Madaxweyne Barack Obama ayaa markii uu xilka hayay geeyay soohdintaasi ku dhawaad 1,200 oo askari oo ka tirsan ciidamada ilaalada qaranka, halka madaxweynihii ka horreeyay ee George W Bush uu ku dhawaad 6,000 oo askari dhigay soohdintaasi.

Sida uu ku warramayo wageyska Wall Street Journal, askarta uu hadda u dirayo Maraykanka soohdinta uu la leeyahay Mexico ayaa ka badnaan doona wadarta kuwa dalkaasi ka jooga Suuriya iyo Ciraaq.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM