Mareykanka oo hogaaminaya tirada geerida caalamka ee Coronavirus

Image

WASHINGTON, US – Mareykanka ayaa hogaanka u qabtay tiradda dhimashadda fayruska safmareenka ah ee Corona, guud ahaan caalamka.

Sidda ay shaacisay Jaamacadda Johns Hopkins, tiradda dhimashadda waxay mareysaa 20,071, iyaddoo la diiwaan-geliyey 519,400 kiisas.

Talyaaniga ayaa ku jira kaalinta labaad. Tiradda geerida dalkaas waxay mareysaa 19,468, iyaddoo kiisaska ay ku dhow yihiin 500-kun.

Sidoo kale, dalka Mareykanka wuxuu noqdey waddankii ugu horeeyay ee maalin qura ay cudurkaas ugu dhinteen laba kun oo ruux.

Iskoorkaas waxaa horey u haystay Shiinaha, oo ah xudunta caabuqa. Bishii December ee sanadkii hore ayuu ka dilaacay magaalada Wuhan.

Ismaamul goboleedka New York ayaa ah gobolka ugu badan ee caabuqa uu ku dilay dadka ugu tirada badan, guud ahaan waddankaas.

Kaliya maalintii Jimcaha waxaa lasoo wariyey 783. Taas macnaheedu waxay tahay in wadarta guud ee dhimashadda ay tahay 8,600.

Guud ahaan dunida, xanuunkaas wuxuu haleelay in ka badan 1.5 milyan oo qof; sidoo kale, waxaa u geeriyooday dad ka badan 100-kun oo ruux.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM

Ben Gvir: Heshiiska Trump iyo Iran Ma Khuseeyo Israel, ma hoostagno Washington

Wuxuu xusay in Israa'iil bixin doonto jawaab adag oo rogaal-celis ah, hadii gantaallo lagu soo weeraro.

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 12:26PM