Mareykanka oo kordhiyay taageerada sirdoon ee Sacuudiga ka siiyo dagaalka Xuutiyiinta
SANA’A, Yemen — Mareykanka ayaa kordhiyay taageerada dhinaca sirdoonka iyo xogta bartilmaameedyada uu siinayo Sacuudiga, xilli Riyadh ay dagaal kula jirto Xuutiyiinta ay Iran taageerto ee Yemen, sida ay CNN sheegtay.
In ka badan 100 askari oo Mareykan ah ayaa la sheegay inay ku lug leeyihiin hawshan, iyadoo sarkaal Mareykan ah uu sheegay in tiradu ay gaareyso ku dhowaad 200 askari. Ciidamadan ayaa ka howlgala talis cusub oo ay si wadajir ah u sameeyeen ciidamada Mareykanka iyo Sacuudiga.
Mareykanka ayaa Sacuudiga la wadaagaya xog sirdoon, sidoo kalena ka caawinaya ogaanshaha iyo tilmaamidda goobaha bartilmaameedyada ah. Taageerada waxaa ka mid ah qalab u oggolaanaya saraakiisha Sacuudiga inay si dhow ula socdaan xaaladda goobta dagaalka.
Si kastaba, ciidamada Mareykanka si toos ah ugama qeybqaadanayaan duqeymaha Sacuudiga. Sidoo kale, ma shidaal siinayaan diyaaradaha dagaalka ee Sacuudiga, mana siinayaan taageero kale oo toos ah oo la xiriirta hawlgallada milatari.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in taageeradan cusub ay qeyb ka tahay iskaashigii militari iyo tababarradii horey uga dhaxeeyay Mareykanka iyo Sacuudiga.
Taageerada Mareykanka ayaa kordheysa xilli ay sii badanayaan weerarrada Xuutiyiinta ay ku qaadaan Sacuudiga. Saraakiil Mareykan ah ayaa sheegay in Iran ay Xuutiyiinta si weyn u taageerto.
CNN ayaa sidoo kale sheegtay in saraakiil Mareykan ah ay rumeysan yihiin in boqolaal ka tirsan Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ay ku sugan yihiin Yemen, halkaas oo ay Xuutiyiinta ka caawinayaan horumarinta awood ay ku khalkhal gelin karaan marinka Bab al-Mandab.
Bab al-Mandab waa marin-biyood muhiim ah oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, waxaana mara maraakiib ganacsi oo caalami ah.
GAROWE ONLINE