Mareykanka oo looga dhawaaqay xaalad caafimaad oo deg deg ah

Image

NEW YORK, US – Duqa magaalada New York ayaa iclaamiyay xaalad caafimaad oo deg deg ah kadib markii uu dilaacay xanuunnka Jadeecada.

Xaalada digniinta oo quseysa degmada Brooklyn ayaa laga codsaday dadka degaanka in ay qaataan talalaka kahor tagga.

Oxiris Barbot oo xusay 285 kiis oo xanuunkaan ah ay hayaan tan iyo 30 September ayaa shaaciyay in 246 kamid ah ay caruur yihiin.

"Qaar kamid ah dadka uu lasoo darsay xanuunka isbitaal ayaa la dhigay … ma jirto illaa iyo haatan wax dhimasho ah," ayuu raaciyay.

Dadwaynaha ayuu ku tartarsiiyay in ay qaataan talaalka si uusan cudurka u faafin, isla markaana u saameynin dadka kale.

Waa tiradii ugu badneed taarikhda magaalada tan iyo sanadkii 1991-dii, markaasi oo ay intaan ka badneed hal jibaarkeeda.

Xanuunka Jadeecada waa mid kamid ah kuwa ugu halista badan kaasi oo keeni dhibaato caafimaad sida oof-wareenka iyo bararka maskaxda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM