Mareykanka oo marin qarsoodi ah ka sameystay Hormuz si maraakiibta shidaalku u gudbaan

Image

Militariga Mareykanka ayaa bilaabay howlgal cusub oo lagu xaqiijinayo in maraakiibta shidaalku ay ka gudbaan Marinka Hormuz, xilli Iran ay weli isku dayeyso inay xaddido dhaqdhaqaaqa maraakiibta isticmaasha marin-biyoodkan istaraatiijiga ah.

Sida ay Axios u sheegeen saraakiil Mareykan ah, ciidamada Mareykanka ayaa sameeyey marin qarsoodi ah oo dhinaca koonfureed ee Hormuz ah, kaas oo habeen kasta ay maraan qiyaastii 15 illaa 20 markab oo shidaal qaada. Qaar ayaa gudaha Khaliijka u socda si ay shidaal u soo qaadaan, halka kuwa kalena ay shidaalka gobolka dibadda uga dhoofinayaan.

Tallaabadan waxaa ka horreeyey howlgal socday muddo laba toddobaad ah oo ay Taliska Dhexe ee Mareykanka — CENTCOM ku beegsanayeen awoodda Iran ee radarada iyo nidaamyada lagula socdo dhaqdhaqaaqa maraakiibta.

Arrintan waxay muujineysaa wejiga cusub ee loollanka Mareykanka iyo Iran ee Hormuz. Washington hadda kuma koobna oo keliya cunaqabateynta iyo go’doominta dekedaha Iran, balse ciidamadeedu waxay si toos ah uga shaqeynayaan sidii maraakiibta ganacsigu ugu gudbi lahaayeen marin-biyood ay Tehran sheeganeyso inay iyadu maamusho.

Reuters ayaa Arbacadii sheegtay in dhaqdhaqaaqa caadiga ah ee maraakiibta Hormuz uu weli aad uga hooseeyo heerkii ka hor dagaalka, inkastoo Madaxweyne Donald Trump uu sheegay in marinku furan yahay.

Marinka Hormuz ayaa sidaas ku sii noqonaya goobta ugu halista badan ee ay si toos ah isaga hor iman karaan Mareykanka iyo Iran.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Mike Huckabee: “Haddii Yuhuuddu doonayaan inay dunida qabsadaan, waa inaan furayaasha u dhiibno”

Hadallada ku saabsan “Yuhuudda oo dunida qabsanaysa” ayaa muddo dheer lala xiriiriyay aragtiyo shirqool oo ka dhan ah Yuhuudda.

  • Caalamka

    19-08-2026

  • 01:20PM

Trump oo kumannaan Itoobiyaan ah kasoo tarxiilaya dalka Mareykanka

TPS-ka Itoobiyaanka waxaa markii ugu horreysay la bixiyay xilligii madaxweynihii hore Joe Biden sannadkii 2022.

  • Caalamka

    19-08-2026

  • 11:06AM