Mareykanka oo qaadey "dhamaan cunaqabateyntii" uu saarey Turkiga

Image

WASHINGTON, US – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ku dhawaaqay in uu qaadey cunaqabateyntii uu maamulkiisu kusoo rogay Turkiga.

Trump ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa'id oo Arbacada maanta ah uu ku qabtay Aqalka Cad kuna saabsanaa xaaladda Suuriya iyo heshiiska xabad-joojinta.

Xayiraadda oo la saarey Wasaaradaha iyo Wasiiradda Turkiga ayaa ka dambeysay howlgalkii ay Ankara ku qaadey waqooyi bari ee Suuriya.

Gulufkaas oo ay ugu magac-dartay Howlgalkii Nabadda Xagaaga ayaa waxaa lagu beegsanayey Kurdiyiinta ku sugan sohdinta Syria ee ku teedsan xadka.

Turkiga oo falaagada u aqoonsan "argagixiso" ayaa cunaqabateynta uga jawaabay xayiraad uu saarey hubka Nukliyeerka ee Mareykanka ka yaala gudaha wadankaas.

Talaabada Trump ayaa waxay ka dambeysay markii labada dhinac heshiis ka gaareen ismaandhaafka xoogan ee soo kala dhex-galay.

Heshiiska ayaa dhigaya in Kurdiyiinta ka baxaan xadka Turkiga iyo xabad-joojin ka dhaqan-gasha Aag ammaan ah oo xuduudka laga sameyn doono.

Shuruudahan ayaa ahaa qodobadii uu Turkiga miiska u saaray Washington kahor inta uusan qaadin howlgalka oo lagu dilay boqolaal kuna dhaawacmeen tiro kale.

Go'aanka Trump ayaa sidoo kale imaanaya xili Ruushka iyo Turkiga ku heshiiyaan Aaga amaanka oo la dejin doono qaxootiga Syria ee ku qaxay Turkey.

Suuriya ayaa tobanaan sano dhexda uga jira colaado sokeeye, waxaana kuwada sugan dhamaan awoodaha aduunka, iyaga oo difaacanaya danahooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

“Aad ayaan uga niyad jabay,” ayuu yiri Trump kadib wada hadal telefoon oo uu la yeeshay Putin

Zelensky ayaa mar kale ku baaqay in la kordhiyo taageerada milatari ee ay siiyaan la-hawlgalayaasha Ukraine.

  • Caalamka

    04-07-2025

  • 11:18AM

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran: Waa ka fekeraynaa Wadahadallada Mareykanka

Araghchi ayaa sheegay in Iran aysan diyaar u ahayn inay si dhakhso ah u bilowdo wadahadallo cusub sida uu Trump.

  • Caalamka

    02-07-2025

  • 12:56PM