Mareykanka oo qiray in duqeyn looga adkaan karin Al-Shabaab

Image

WASHINGTON - Taliska Mareykanka ee Africa, [AFRICOM] ayaa qiray in duqeymaha dhanka cirka ah aan looga adkaan karin kooxda Al-Shabaab, balse ay fursad siinayso ciidamada dowladda Somalia inay ku xoogeystaan.

Jeneraal Thomas Waldhauser, oo ah taliyaha AFRICOM oo warbixin siinayay guddiga difaaca Senate-ka dalkiisa ayaa sheegay in duqeyama aaney ahayn kuwa marka ugu dambeysa ka adkaan kara Al Shabaab.

"Ciidamada qaranka Somalia waxaa looga baahan yahay inuu xoogeysto, islamarkaana uu kordhiyo degaallada ay kula wareegaan mas'uuliyadda amniga dalkooda," ayuu yiri Waldhauser.

Tan iyo horaantii 2017, Mareykanka ayaa sare u qaadey weerarada diyaaradihiisa dagaalka ka fuliyaan Somalia, iyadoo ay geysteen 35 duqeyn, halka 2018 47 weerar halkan sanadkan uu hadda marayo ku dhawaad 15.

Al-Shabaab ayaa laga saarey magaalooyin muhiim ah, oo Muqdisho ay kamid tahay Muqdisho tan iyo 2011 kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM duulaan ku qaadeen goobaha ay ku sugan tahay.

Laakiin, Kooxdan ayaa wali khatar ku haysa amniga dalka, iyo wadamada deriska, gaar ahaan Kenya oo bishii lasoo dhaafay ay weerar ku qaadey hotel-ka Dusit ee ku yaalla Nairobi, halkaasi oo lagu dilay 22 qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cabsi dagaal oo ka taagan Buurhakaba kadib khilaaf ka dhex qarxay maamulka Koonfur Galbeed

Wararka laga helayo gudaha degmada ayaa sheegaya in xiisadda sii kordheysa ay dhalin karto iska horimaadyo hubeysan.

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 02:13PM

Saameynta Safarka Trump ee Shiinaha: Maxaa laga filan karaa?

Maalgashadayaasha caalamiga ah, ayaa ka walwalsan in haddii lagu heshiis waayo canshuuraha cusub.

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 11:10AM